U bood dhigaalka

Wasiir Denmark Ah Oo Soo-jeedisay In Muslimiinta Ay Shaqada Fasax Ka Qaataan Bisha Ramadaan

Sheeko:Dalka

Wasiir u dhalatay dalka Denmark, isla markaana lagu yaqaano naceybkeeda dadka muhaajiriinta ah ayaa muslimiinta ku tiri “Maad fasax qaadataan bisha Ramadan” iyada oo intaasi raacisay “Waa cibaado Qatar nagu ah”.

Inger Stojberg, waa wasiirka socdaalka, isdhex-galka iyo guriyeynta dalka Denmark, waxaa ay xubin ka tahay xisbi Liberal ah, hadalkeeda waxaa uu imaanayaa todobaad kadib markii muslimiinta dunida ay soomeen bishan Ramadaan.

“Waxaan rabaa in Muslimiinta ah fasax shaqada ka qaataan bisha Ramadaan, si looga fogaado cawaaqib xumida iyo raadka xun ee ay ku yeelanayaan bulshada  Danish-ka” sidaasi waxaa ay ku qortay maqaal ku soo baxay wargeys.

Inger Stojberg  oo sii hadlaysa waxaa ay tiri“Waxaan la yaabay in amar diini ahaa oo la sameyn jiray  1,400 sano ka hor lagu dabaqi karo bulsho iyo suuqa shaqada ee  Denmark 2018-ka”.

Goobjoog News