U bood dhigaalka

Wasiir Dhabancad: Madaxda Dalka Waxa Ay U Dagaalamayaan In Laga Guuro Hanaanka Federaalka

Sheeko:Amniga

Dowlad goboleedka Puntland ayaa waxa ay eedeyn kulul u jeediyeen madaxda ugu sareysa dalka iyaga oo ku eedeeyay in xilligan madaxda ugu sareysa dalka ay doonayaan in dib loogu laabto xukunkii kalitalisnimada ahaa, waxa ayna sidoo kale tilmaameen in madaxda dalka ay dagaal ugu jiraan sidii hanaanka federaalka looga guuri lahaa.

Wasiirka wasaaradda arrimaha gudaha dowlad gobaleedka Puntland Maxamed Cabdiraxman Dhabancad ayaa sheegay in nasiib darro ay tahay in xiligaan dalka dib loogu celiyo halkii uu ka yimid, isaga oo dowladda federaalka ku dhaliilay sidii ay u wajahday xaaladda Galmudug.

Wasiirka ayaa xusay  in madaxda dowladda ay ku jiraan la dagaalanka nidaamka lagu dhisay dowlad gobaleedyada, waxaana uu intaas ku daray in ay doonayaan in dalka ay rabaan in ay u celiyaan nidaamka xukunka dhexe sida uu hadalka u dhigay. waxaana uu yiri.

“Maanta hoggaanka joogo waxaa uu la yimid  in uu dagaalamo  dalku yeesho meel dhexe oo laga xukumo oo laga guuro hanaankii federaalka oo la soo dhisay,oo hey’adihii iyo dowladihii xubnaha ka ahaa meesha laga saaro, waxaana marqaati ugu filan wixii Jubbaland ka dhacay iyo waxa hadda Galmudug ka socda oo middii ugu dambeysay xoog loo sheegtay maamulkii hey’adihii meesha ka dhisnaa oo ka shaqeeyey in umadda degan gobalka ay si nabad ah ugu seexdaan”

Sidoo kale wasiika  oo hadalka sii wata ayaa xusay in xiligaan aan xoog wax lagu xalin karin, waxaana uu carabka ku dhuftay Soomaaliya dowladnimadeedii waxii dumiyey dalkiina kala gooyey  ay tahay kali talisnimo wasiirka ayaa meesha ka saaray in marnaba xoog xal noqon karo.

“Haddii xoog wax lagu xalinayo Soomaali horay ayey wax ugu xalin laheyd, Maxamed Ziyaad Barre ayaa isku dayey inuu Jamhadihii abuurmay uu xoog ku muquuniyo, waana u suurto galin weysay, taasna waxaa ay kaliftay in dalkii uu kala go’o oo qaar kamid ah hadda ay sheeganayaan in ay rabaan in ay ka baxaan midnimadii Soomaliya, dhanka kale Jamhadihii oo isku dayayey in  dhinaca kale wax u dhigaan oo xoog ku muquuniyaan waa shaqeyn waayeen, haddii xoog shaqeynayo kuwii hore ayaa shaqeyn lahaa” ayuu yiri wasiirka.

Dhinaca kale wasiirka arrimaha gudaha Puntland ayaa soo hadal qaaday ciidamadii dhowaan dowladda ay geysay gobalka Gedo waxaana uu xusay in nasiib darro ay tahay in ciidamadii loo tababaray dalka amnigiisa in ay sugaan gaar ahaanna deegaannada ka maqan gacanta dowladda loo adeegsanayo in lagu dumiyo dowlad gobaleedyadii dhisnaa.

“Ciidamadii loo tababaray amnigii dalka oo dhaqaalaha badan ay ku bixineysay beesha caalamka in loo daabulo gobalka Gedo si Jubbaland lagula dagaalamo oo meesha looga saaro waa nasiib darro, taas ayaana keeneysa inaan dhah waad aragtaan halka dalka uu socdo ee aan isku soo laabanno oo tashano markaas jiho qaadno “

Ugu dambeyn wasiirka arrimaha gudaha Puntland Maxamed Cabdiraxmaan  Dhabancad ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed ay ka daaleen colaad una hamuun qabaan xiligaan dowladnimo iyo kala dambeyn.

“Waxaad dareemeysaa in dadku ay ka daaleen colaadda ayna rabaan dowladnimo iyo dib u heshiisiin, maanta dowladda dhexe iyo madaxda wixii sida gaarka ah looga sugaayey waxaa ay aheyd dhameystirka Dastuurka, waxaa ka mid ahaa dib u heshiisin qaran in la qabto wixii horay u dhacay dadka laga xaliyo”

Xiriirka Puntland iyo dowladda dhexe ayaa waqtigan waxa uu yahay mid aan wanaagsanayn,waxaana xusid mudan in maamulka madaxweyne Deni ay qaadacen sharciyo badan oo uu saxiixay madaxweynaha Soomaaliya.

Goobjoog News