U bood dhigaalka

Wasiir Diini “Magaalada Marka Waxay Ku Jirtaa Gacanta Dowladda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka difaaca ee xukuumadda Soomaaliya Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Muqdisho ayaa sheegay in ciidanka dowladda Federaalka ah ay gacanta ku hayaan magaalada Marka ee xarunta gobalka Shabellaha Hoose.

Waxa uu sheegay wasiirka in ciidamada xoogga dalka Soomaaliya ay ka shaqeynayaan amniga magaalada Marka, islamarkaana shaqooyinkooda si caadi ah u wataan.

“Illaa shalay waxaa la isla waday in magaalada Marka ay haystaan Nabad diidka oo u taagan dhibaateynta umadda Soomaaliyeed iyo waxyeeleentooda, waxaan idiin sheegayaa in magaalada Marka ay ku jirto gacanta dowladda, ciidamada waxay ka shaqeynayaan nabadda magaaladaasi” ayuu yiri wasiir diini.

Dhinaca kale wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in wax walba oo khilaaf dhexdooda ah ay ku dhameeyaan nabad iyo heshiis ayna ka qeybqaataan amniga iyo xasiloonida guud ee dalka.

Hadalkaan kasoo yeeray wasiirka difaaca xukuumadda Soomaaliya ayaa imaanaya xillli waxyar kahor un ay ciidamada Al-shabaab dib ula wareegeen magaalada Marka ee gobalka Shabellaha Hoose.

Goobjoog News