U bood dhigaalka

Wasiir Diini Oo Ka Hadlay Caqabadaha Haysta Ciidamada Xoogga Dalka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Gaashaandhigga Soomaaliya Gen. Cabdiqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa warbixin ku aaddan xaaladda ammaanka dalka, dagaalka lagula jiro Al-shabaab, dhismaha iyo isku-dhafka ciidamada qalabka sida, waxa uu siiyey shirkii Madasha Sare ee Iskaashiga ee barnaamijka Hiigsiga Cusub ee lagu qabtay magaalada Muqdisho.

Wasiirka oo hadal muhiim ah ka jeediyey shirkan oo ay soo qaban-qaabiyeen Dawladda Federaalka Soomaaliya iyo saaxiibada horumarka ee Soomaaliya, ayaa tilmaamay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya ay guulo ka gaareen hawlgalka ka dhanka Ah Al-shabaab, isagoo xusay in dhammaan hawlgaladii dhawaan la qaaday lagu guuleystay, isla markaana xilliga dhow ee soo socda la bilaabi doono hawlgallo kale oo laga samaynayo qaybaha dalka.

Diini ayaa sidoo kale shirka ka sheegay in Ciidamada Xoogga Dalka Soomaaliya, ay haystaan caqabado dhinaca baahiyahooda ah sida hubka rasasta, isgaarsiinta iyo agabka ciidamada.

Wasiirku waxa uu xasuusiyey Xukuumadda Soomaaliya iyo wakiiladda beesha caalamka inay lagama maarmaan tahay dhismaha ciidanka dalka, si ammaanka dalka loo hanto, oo meeshana looga saaro Al-shabaab.

Wasiir Cabqaadir Sheekh Cali Diini, ayaa ka hadlay isku-dhaf ciidamada oo uu sheegay in hawl wanaagsan laga qabtay, isagoo xusay in la wado qorshaha Guulwade oo lagu qorayo ciidamo ka socda qaybaha dalka oo dhan.

Gen. Diini ,ayaa ugu danbayntii shirka ku guubaabiyey in dalalka saaxiibka ah ay ka dhabeeyaan balanqaadyadii ay u sameeyeen taageerida dhismaha ciidamada qaranka Soomaaliya, si loo gaaro yoolka la hiigsanayo ee ah Soomaaliya xasiloon oo horumar samayneysa.

—Dhammaad—

Wasaaradda Gaashaandhigga Soomaaliya