U bood dhigaalka

Wasiir Diini Oo Ka Warbixiyey Socdaalkiisii Cadaado

Sheeko:Dalka

Wasiirka Difaaca xukuumadda Soomaalliya C/qaadir Sheekh Cali Diini oo shaley tagey degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud ayaa faah faahin ka bixiyey ulajeedka uu degmadaasi u tagey.

Wuxuu sheegay wasiirka in arrimaha ugu weyn ee ay u tageen degmada Cadaado ay tahay sidii ay ula kulmi lahaa madaxda Galmudug, loogana wada shiri lahaa sugista amniga guud ee gobolkaasi.

Wasiir Diini ayaa hoosta ka xarriiqay in saraakiisha ciidamada ee ku sugan degmada Cadaado ay kala hadli doonaan arrinta ku aadan sugista amniga degmada Cadaado oo dhowaan ay ka dhici doonaan doorashooyinka.

“Arrimo badan baan u soconnaa oo aan jecelnahay inaan maamulka Galmudug kala qeybqaadanno, ciidamada ammaanka waxay u diyaar yihiin sugista ammaanka doorashooyinka ciidamada AMISOM iyana wey ka qeybqaadanayaan” ayuu yiri wasiirka.

Degmada Cadaado waxaa ku sugan siyaasiyiin aad u badan kuwaasi oo raadinaya kuraasta Labada aqal ee dowladda, iyadoo dhowaan degmada Cadaado ay ka dhici doonaan doorashooyin.

Goobjoog News