U bood dhigaalka

Wasiir Faarax C/qaadir “Dib ugama laabaneyno dar dar gelinta dib u habeynta Garsoorka” Dhageyso

Sheeko:Dalka

Wasiirka Cadaaladda iyo arimaha Dastuurka xukuumada Soomaaliya oo xilkiisa ay isku khilaafsanyihiin madaxda sare ee dalka, gaar ahaan madaxweyne Xasan Sheekh Maxamuud iyo Ra’iisul wasaare C/weli, ayaa maanta soo xiray siminaar muddo sedax maalin ah u soconaayay shaqaalaha wasaaradaasi, kaa oo lagu baranaayay howlaha xafiisyada.

Wasiir Faarax ayaa sheegay in wasaaradiisa horumar ay ka sameysay arimaha la xiriira dib u habeynta Garsoorka, islamarkaana meel aysan uga laaban doonin dar dar gelinta arimaha ku aadan dib u habeynta Garsoorka Soomaaliya.

Dhanka kale Faarax ayaa sheegay in loo baahan yahay Garsoorka dalka in sharci in uu ku dhisnaado, waxaana dhanka kale uu tilmaamay in marnaba aan la ogaal doonin in garsoorka ay ka shaqeyso cid aan aqoon u lahayn sharciga.

Ra’iisul wasaaraha Soomaaliya ayaa isku shaandheyn uu shalay sameeyay waxa uu wasiirka Dastuurka iyo arimaha Cadaaladda u magaacabay wasiirka Xanaanada Xoolaha dowladda Soomaaliya, taa oo muran keentay.

Halkaan hoose ka dhageyso.

Goobjoog News