U bood dhigaalka

Wasiir fargeeti: Ma Jirto Cid Aan u Ogolaanney Iney Caymis Qaaddo

Sheeko:Dalka

Wasiirka maaliyadda ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Aadan Ibraahim ayaa sheegay in aysan jirin shirkad Caymis oo si sharci ah dalka uga shaqeysa, islamarkaana ka wasaarad ahaan aanu jirin cid ay diiwaangeliyeen.

Wasiirka oo wareysi siinayey Tv-ga ku hadla afka dowladda ayaa tilmaamey in weli aanu soo bixin sharci ogolaanaya in shirkad gaar ah ay caymis sameyso, islamarkaana caymiskuna yahay mid weli ku jira gacanta dowladda Soomaaliya.

“Anoo ku hadlaya magaca wasaaradda maaliyadda waxaan caddeynayaa in weli aysan jirin shuruuc u ogolaanaya shirkadaha gaarka loo leeyahay in shacabka ay caymis ka qaadaan, wasaaradda maaliyadda ayaa mas’uul ka ah iyadoo tixraacaysa shuruucdii u degsanaa wadanka inta aanu burburka dhicin kahor, kuwaasi oo hadda lagu shaqeynayo, annaga cid aan u idmannay ama u ogolaaney iney canshuur Caymis ay ka qaadaan shacabka ma jiro, caymiska wuxuu ahaa mid ay gacanta ku haysay dowladda, shuruucdii loogu ogolaanayey in shirkadaha gaarka loo leeyahay ay Caymiska bixiyaan weli Labada gole ee dowladda kama aaney soo bixin, marka arrintaasi waa mid taagan oo lagama maarmaan ah in la hirgeliyo laakiin dowladda cusub ayaan ka rajeyneynaa in arrintaasi ay fiiro gaar ah u yeelato”

Wasiir Fargeeti ayaa wax laga xumaado ku tilmaamay in gaadiidleyda Muqdisho lagu qasbo iney bixiyaan lacag Caymis ah, isaga oo tilmaamay in  wixii dhacay aaney wasaaraddaasi waxbo ka ogeyn, islamarkaana aaney shaqo ku lahayn.

“Waxaan aad uga xunnahay dhacdadii ahayd in shacabka lagu qasbo caymis aysan iyagu raali ka ahayn, hadane sharci aan ku dhisneyn, waxaan ka raaligelinaynaa shacabka wixii dhacay, wasaaradda Maaliyadda wax ay lug ku leedahay ma jirto, cid ay lasoo xiriirtay ama ruqsad ay siisey illaa hadda ma jirto, waxaan rabnaa hay’adaha dowladda heer kasto ha ahaadaane iney ka feejignaadaan waxyaabaha qaarkood ee horseedi kara in shacabka dhib soo gaaro, marka wax walbo la sameynayo lagu saleeyo shuruucda dalka u yaalla, waxaan rabaa inaan ku bogaadiyo shirkadda gaarka loo leeyahay in mar walbo danta shacabka ay horumariyaan” ayuu hadalkiisa kusoo gebogebeeyey wasiir Fargeeti.

Gaadiidleyda Muqdisho ayaa 29-ka bishii tagtay sameeyey shaqo joojin iyo dibadbax ay kaga cabanayeen shirkadda caymiska Takaful oo dhanka dowladda usoo martey si ay lacago caymis ah uga qaaddo gaadiidleyda.

Goobjoog News