U bood dhigaalka

Wasiir Fargeeti Oo Sharaxaad Ka Bixiyey Meel Marinta Golaha Wasiirada Ee Miisaaniyaddda Qaranka

Sheeko:Dalka

Wasiirka Maaliyadda Dowladda Fedaraalka Soomaaliya Maxamed Aadan Fargeeto ayaa waxa uu ka hadlay shir ay iskugu yimaadeen wasiirada Dowladda Fedaraalka Soomaaliya oo looga hadlaayay miisaaniyadda Dowladda ee sanadkaan .

Wasiir Fargeeto oo la hadlay Goobjoog News, ayaa waxa uu sheegay in miisaaniyadda Dowladda la gudbiyo marka la gaaro dhammaadka sanadka balse hadda la soo dadajiyay doorashada awgeed iyo isbedlaka uu dalka galayo.

“Golaha wasiirada waxay isugu yimaadeen shir looga hadlaayey miisaaniyadda 2017-ka, waqtiga miisaaniyadda la gudbiyo badanaa dhamaadka sanadka waaye”.

Sanadkaan ayaa waxaa inta badan lagu mashquulsanaa doorashooyinka wadanka taas oo keentay in xitaa aysan qabsoomin shirarka wasiirada iyo golaha shacabka,  isagoo wasiirka timaamay inay hadda wasaaraddu ay ku shaqeyso miisaaniyaddii 2016-kii oo Saddex biloodka ahayd ,iyadoo ku eg bisha Maarso ee soo socota.

Golaha wasiirada oo shalay kulmay waxay ansixiyeen miisaaniyadda lagu shaqeynayo sanadkaan waxaana loo qaaday cod aqlabiyad leh .

Miisaaniyadda waddanka ayaa waxay tahay mid aad u kooban taas oo ku xiran daqliga soo gala waddanka.

Goobjoog News