U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Baaq u Diray Shacabka Gaalkacyo

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Galmudug Axmed Macallin Fiqi oo ka hadlayay howlgal si wadajir ah ay u fuliyeen ciidamada Puntland kuwa Galmudug iyo kumaandooska Soomaaliya ayaa waxa uu baaq ku aaddan ka shaqeynta dhinaca nabad gelyada waxa uu u diray shacabka ku dhaqan magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Wasiir Fiqi ayaa shacabka ugu baaqay in lacagata ay siiyaan dagaalamayaasha Al shabaab ay badalkeeda siiyaan ciidanka dowladda si buu yiri looga xoreeyo dhibaatada isaga oo xusay inaysan waxba ku jabnayn inay wada shaqeeyaan oo howlagal ay isla fuliyaan ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug.

“Dadka reer Gaalkacyood baaqa aan u dirayo waxa uu yahay walaalayaaloow waad aragteen inta uu la egyahay dhibka idin heysta nimanka waa la idin ka xoreynayaa siiya lacagta aad bixisaan ciidanka hala idin ka xoreeyee, ciidamadu hawada shaqeeyaan wax xasaasiyad ah oo Galmudug ay ka qabato ciidamada Puntland iyo Galmudug wada shaqeeyaan ma jirto” ayuu yiri Wasiir Fiqi.

Hadalka wasiirka amniga Galmudug ayaa waxaa uu ku soo aadaya iyada oo shalay howlgal wadajir ah ay ciidamada Puntland iyo kuwa Galmudug oo kaashanaya kumaandooska Soomaaliya ay ka fuliyeen xaafadaha ay ka kooban tahay magaalada Gaalkacyo ee gobalka Mudug.

Wasiir Fiqi ayaa tallaabooyin wax ku ool ah u qaaday dhinaca nabadgelyada ee deegaannada Galmudug gaar ahaan Koonfurta magaalada Gaalkacyo oo dhibaatooyin xooggan ay ka geysan jireen maleeshiyeed u abaabulnaa qaab beeleed oo haatan wasaaradda amniga Galmudug ay ku guuleysatay inay gacanta ku dhigto.

Goobjoog News