U bood dhigaalka

Wasiir Fiqi oo Kulan La Qaatay Madax Ka Socota Hey’adda USAID Mareykanka

Sheeko:Amniga

Wasiirka Wasaaradda Arrimaha Gudaha,Federaalka iyo Dib u heshisiinta Mudane Ahmed Moalim Fiqi oo ay wehlinayaan Wasiiru Dowlaha Wasaaradda Mudane, Ilyaas Cali Xasan  ayaa la kulmay madax ka tirsan hey’adda USID Mareykanka, kaas uu hoggaaminaayay wafti uu hoggaaminayo Mud. Iftikhar Ahmad Shaheen Madaxa Hay’ada TIS+3/USAID.

Wasiirka ayaa kulanka uu la qaatay madaxda hey’adda waxaa ku wehlinayay mas’uuliyiin ka tirsan wasaaradda uu kamid yihiin ,wasiir ku xigeenka wasaaradda, Cabdixakiim Hasan Ashkir iyo Agaasimaha guud ee Wasaaradda ayaa waxaa ay Xarunta Wasaaradda kula  kulmeen  Soomaaliya.

Wasiir Axmed Macalin Fiqi ayaa ballanqaaday in  wasaaradda arrimaha gudaha,federaalka iyo dib u heshisiinta ay ka go’an tahay inay si dhow ula shaqeyso  Hay’ada TIS+3/USAID ee hoggaaminta barnaamijka xasilinta iyo dedaallada agu doonayo in lagu helo xasilooni ka hanaqaado Soomaaliya oo soo kabanaysa.

Wasiirka arrimaha gudaha, federalka iyo dib u heshiisiinta  Axmed Macalin Fiqi ayaa dhowaan la wareegay wasaaradda ayaa waxaa horyaallo howlo badan, kuwaas oo ay ugu waaweynn yihiin daadejinta federalka iyo dib u heshisiindalka  qabto iyo daadejinta nidaamka federalka si bulshada ay u wadagaarto dowladnimada.

Goobjoog News