U bood dhigaalka

Wasiir Geelle: Mowqifka Dowladda Soomaaliya Ee Qalbi Dhagax Waa kii Muqdisho Ay Ku Gaareen Baarlamaanka Soomaaliy Madaxweynuhuna Uu Taageeray

Sheeko:Dalka

Daahir Maxamuud Geelle wasiirka wasaaradda Warfaafinta ee Xukuumadda Soomaaliya ayaa sheegay in arrinta Qalbi Dhagax kaga aadan dowladda Soomaaliya ay tahay go’aankii Muqdisho ay ku gaareen baarlamaanka Soomaaliya Madaxweynuhuna uu ku taageeray.

Wasiir Geelle oo arrintaasi ka hadlayay waxaa uu yiri “Arrinta Qalbi Dhagax kaliya waxaa looga hadlay Mowqifkii dowladda Soomaaliya oo ku saleysnaa Baarlamaanka Soomaaliya go’aankii uu ka soo saaray madaxweynuhuna uu ku taageeray Nuxurka Mowqifka dowladda Soomaaliya ee Qalbi Dhagax waa kii Muqdisho lagu gaaray”.

Qalbi Dhagax ayaa dowladda Soomaaliya waxaa ay u dhiibtay Itoobiya bishii Sideedaad ee sanadkii hore waxaana arrintaasi ka soo horjeestay Baarlamaanka Soomaaliya madaxweynuhuna waa uu ku taageeray.

Goobjoog News