U bood dhigaalka

Wasiir Geelle oo DF ku eedeeyay in Deegaanno Nabddoonaa ay Colaad ka Hurisay

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee warfaafinta xukuumadda  federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in ciidamo loo baahnaa in ay xasiliyaan aminiga caasimadda Muqdisho, gobalka Banaadir  iyo labada gobal ee la dariska ah ay qalad iyo nasiib darro weyn tahay in loo qaado gobalka Gedo oo ay ku sugnaayeen ciidamada Daraawiishta dowlad gobaleedka Jubbaland.

Wasiirka ayaa sidoo kale xusay in ciidamo  aan awoodin in dhulka ay maraan ama ay tagaan labada gobol ee dariska la ah gobolka Banaadir ay siyaasad xumo ay tahay in gobol iyo deegaanno nabdoonaa ay colaad  ka huriyaan isaga oo intaas raaciyey in ciidamadu ay hihiin kuwii loo dhisay in ay sugaan amniga dalka oo dhan.

“Ciidan aan dhulka la marsiin karin tababarkiisa iyo siyaasaddiiisa ayey wax ka dhiman yihiin wax dhulka lagu xirxiray ayaa garabka la saartaa si aad aminiga u sugtid waa inaad ciidanka marka hore dhistid, ciidan aan wadada Afgooye marikarin oo wadada Balcad aan aadikarin Gedo lama geeyo inta Diyaarad lagu qaado”

Sidoo kale wasiir Daahir Maxamuud  ayaa xusay in waxa hadda ka jira gobalka Gedo uu yahay dagaal sokeeye oo aan la oran karin dagaal caalami ah oo dhaxeeyo labo dowladood, isaga oo carabka ku dhuftay in loo baahan yahay in la qabto dadka dagaalka sokeeye ka hurinaayo dadka dhexdooda.

“Dagaal sokeeye hal calan hoostiisa dadka jooga ama ciidan jooga markii ay isdilaan dagaal sokeeye ayaa loo yaqaanaa, Gedo dagaal sokeeye ayaa ka socdo, dalka Soomaaliya dagaal sokeeye ayaa ka socdo, adiga oo dowlad ah dagaalka sokeeye dadka waa laga maslaxaa ee looma geeyo”

Dhanka kale wasiirii Daahir Maxamuud Geelle ayaa sheegay in dowladda looga baahnaa in dalka iyo dadka Soomaaliyeed ay badbaadiso, haddii  khilaaf uu yimaado in loo baahan yahay in aan qoriga xal laga raadine la baadi goobo in wada hadal  wax lagu dhameeyo lana badbaadiyo in ladaadiyo dhiig iyada oo xal lag raadinaayo .

waxaana uu yIri “Amniga  sawirka aan ka qabo waxaa ay tahay dalka dadka duminayo oo dadka dilayo in laga qabto, dadka siyaasadda isla leh in aan qori la xasuusin oo ciidan la xasuusin ee wada hadal iyo wada fariisi la xasuusto oo lagu dhaqmo amniga taas ayaan ka aaminsan nahay”.

Ugu dambeyn wasiirkii hore ee warfaafinta dowladda federaalka Soomaaliya Amb. Daahir Maxamuud Geelle ayaa hadalkiisa ku soo gaba gabeeyey in dalka lawada leeyahay muwaadinka ugu sareeyo iyo midka ugu hooseeyo talada dalka iyo  cid gooni ahna aysan laheyn loona baahan yahay in lawada ilaashado dalka.

“Soomaaliya, qofka walalkaaga ah oo Soomaaliga siyaasadda dalka aayihiisa waa uu kula leeyahay, qofka kaa hoos shaqeeyo wadaniyadda ma dheerid waxaa laga yaabaa in aadan ka aqoon badneyn oo ka garaad badneyn xilalka ayaa kala sareeyo xushmeyn, xurmeyn iyo israadis waa waxa ku haboon marka laga hadlaayo dalka siyaasaaddiisa iyo isku heyntiisa, gobalada dadka jooga ama madaxda dowlad gobaleedyada adiga ku diidan dalka cadow kama ahan” ayuu hadlkiisa ku soo gaba gabeeyey wasiirkii hore ee warfaafinta Soomaaliya Daahir Maxamuud Geelle.

Eedeymaha loo jeedinayo dowladda federaalka ayaa isi soo taraya waxaana dowladda Farmaajo si aad ah loogu dhaliiyay xiisaddii ay ka kicisay gobalka Gedo.

Goobjoog News