U bood dhigaalka

Wasiir Geelle Oo La Dhaariyey

Sheeko:Dalka

Waxaa maanta munaasabad ka dhacday xarunta Villa Hargeysa ee magaalada Muqdisho lagu dhaariyey wasiirka cusub ee warfaafinta xukuumadda Soomaaliya, Daahir Maxamuud Geelle.

Guddoomiyaha golaha shacabka Maxamed Mursal Sheekh, Guddoomiye ku xigeenka Koowaad ee golaha shacabka iyo mas’uuliyiin kale ayaa ka qeybgalay munaasabadda lagu dhaarinayey wasiirka.

Xildhibaan Maxamuud Macallin Yaxye oo ah guddoomiyaha guddiga anshaxa iyo xeer hoosaadka golaha shacabka ayaa dhaariyey wasiir Daahir Maxamuud.

Guddoomiye Mursal ayaa wasiir Geelle kula dardaarmay in xilkan loo dhiibay uga soo baxo sidii loo baahnaa, una rajeeyey guul iyo inuu kasoo dhalaalo howshan.

Dhanka kale, wasiir Geelle ayaa isna sheegay in howshan uu kasoo dhalaali doono, lana shaqeyn doono guddiyada baarlamaanka ee shaqada la wadaagaya wasaaraddiisa.