U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye Oo Ay Wehliyaan Xubno Safiiro Ah Oo Maanta Gurmad Raashin Ah Geeyay B/weyne

Sheeko:Dalka

Magaalada Baladweyne ee xarunta gobolka Hiiraan waxaa gaaray wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo wasiirka arrimaha dibadda xukuumadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar.

Wafdigan waxaa ka mid ah wasiirka amniga gudaha xukuumadda Soomaaliya C/risaaq Cumar Maxamed iyo safiiro ka kala socday dalalka Yemen, Qatar, Turkiga iyo Sudan.

Wafdigani ayaa magaalada Baladweyne waxay gaarsiiyeen deeq raashin ah oo loogu tala galay in loo qeybiyo qoysaskii dhawaan ka barakacay fatahaadda Wabiga Shabelle ee B/weyne, waxaana sidoo kale ay sheegeen in deeq kale dhawaan loo qeybin doono qoysaskaasi.

Guddoomiyaha gobolka Hiiraan Yuusuf Axmed Hagar Dabageed ayaa kaga mahadceliyay wafdigan deeqdan maanta ay geeyeen magaalada Baladweyne, iyadoo durba raashiinkii la geeyay loo qeybiyay dadkii shacab ahaa.

Wasiirada arrimaha dibadda iyo amniga ee xukuumadda Soomaaliya oo ka hadlay halkii raashinka lagu qeybiyey ayaa sheegay in shacabka Baladweyne ay u baahanyihiin inay helaan gurmad dhan walbo leh.

Dad badan oo ku dhaqan magaalada Baladweyne waxaa haysay xaalad adag oo dhanka nolosha ah kadib markii xaafadahooda uu ku fatahay Wabiga Shabelle.

Goobjoog News