U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye Oo Goobjoog News Uga Waramay Ajendaha Shirka Madaxda IGAD Ee Ka Furmaya Muqdisho

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda arrimaha dibadda iyo dhiirogelinta maalgashiga C/salaan Hadliye Cumar oo wareysi gaar ah siiyey Goobjoog News ayaa ka warramay shirka la filayo in uu madaxda IGAD uga furmo magaalada Muqdisho.

Ugu horreyn wuxuu sheegay wasiirka in shirkaan uu Soomaaaliya u yahay guul aad u weyn, islamarkaana caalamka loo sheegi doono in Soomaaliya ay ka gudubtay dhibaatooyinkii haatanna ay hiigsaneyso horumar.

Madaxda IGAD ee shirka ka qeybgeli doonta ayuu sheegay wasiir Hadliye iney ka hadli doonaan arrimaha Soomaaliya iyo sidoo kale dalka Koonfurta Sudan oo muddooyinkaan dhibaatooyin adag ay ka jiraan.

“Waxa weeyaan guul weyn oo Soomaalida  oo dhan iyo dowladda Federaalka usoo hoyatay in 7-da waddan ee IGAD madaxdooda isugu imaanayaan Muqdisho, waxaan u maleynayaa iney tahay markii ugu dambeysa oo 7 madax isugu yimaadaan Muqdisho iney ahayd 1974-kii, markii aqalka umadda la sameeyay oo OAU isku timid, marka waxa weeyaan in la tuso Adduunka in Soomaaliya soo hagaageyso, iney nabad tahay, inay cadowga iska celinayso, in Soomaaaliya ay ku tashatay inay kamid noqoto gobolka, Afrika iyo Adduunkaba, waxaa loo sheegi doonaa madaxda halka Soomaaaliya ay marayso, waxaa kaloo laga hadli doonaa Arrinta Koonfurta Sudan oo aad u cakiran iyo arrimo gudaha ah oo ururuka ka tirsan”

“Muhiimadeeda aad bay u weyntahay, waxay ku tuseysaa in Soomaaliya Nabad galyo tahay, iney dowladda Soomaalida shaqadii dadka Soomaalida u dirsadeen ay qabaneyso in adduunka kusoo noqotay, in ay Soomaaaliya iska bedashay wixii ay ahaan jirtay oo horay u socoto”

Wasiirka mar aynu wax ka weydiinnay in Ajendaha shirka inuu yahay mid Madaxda wada keynayaan iyo mid horay loo sii qorsheeyay wuxuu ku jawaabay “Qof walbo oo shirka imaanayo Ajende wuu wadan karaa oo marka ugu dambeysa wuu keeni karaa, laakiinse ajendaha lagu heshiiyey ayaa ah Soomaaliya, South Sudan iyo in IGAD siday u shaqeyso laga hadlo waa waxa ugu horreeya oo la isla ogolaaday”

Dalalka IGAD marka laga reebo Sudan iyo Koonfurta Suudaan waxaa Soomaaaliya ka jooga ciidamo ka tirsan AMISOM, sidaa darteed wasiir Hadliye waxaan weydiinnay in arrimaha ciidamadaasi shirkan looga hadli doono.

“Kolley waa lasoo qaadayaa arrimaha ciidamada IGAD ka jooga Soomaaliya, waayo madaxda imaaneysa marka laga reebo Labada Sudan ciidamo ayaa halkaan ka jooga, waa ciidanka na caawinaya, inoo dhimanaya, caruurtooda inoo  soo diray, kolley waa laga hadli doonaa laakiin wax dhibaato weyn ah oo arrintaa ka jiro malahan”

Soomaaliya oo muddo ku jirta Colaad sokeeye hadda waa ay soo kabaneysaa, waxaana socda dhismaha ciidamada Qalabka sidaa darteed wasiir Hadliye ayaan wax ka weydiinnay in IGAD markaan ay door ka qaadan doonto in Soomaaaliya Ciidamo loo dhiso.

Wuxuu sheegay  wasiirka in muhiim ay tahay in la ogaado in ciidan loo baahan yahay in dowladda ay sameyso si loo taageero wuxuuna tilmaamay in aaney rabin in ciidan loo sameeyo, balse wuxuuna sheegay in ciidan dibadda laga soo sameeyay uu burburayo waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Taageero waan uga baahannahay IGAD laakiin cid ciidan inoo sameynaysa haddii aynaan innagu sameysaneen ma jirto mana rabno in ciidan naloo sameeyo, waxaan rabnaa in ciidankeena sameysanno, adduunkana wuu ina taageeri, waana la isku raacsan yahay sida kaliya ee xagjirka looga badinayo inay tahay in la sameeyo ciidamo Soomaali ah, waana arrin Soomaalida u taalla, sidii loo bixin lahaa, sidii loo sameyn lahaa, la isku tashado oo dadka markaa deriskeena caruurtooda inoo soo diray ama kuwa kale ee saaxiibada nala ah kulli waa nala taageeri karaa laakiin waa inaan sameysannaa ciidamadeena”

“IGAD wey nagala shaqeeyaan oo tababaro ayeey ku sameeyeen wadamada Itoobiya, Uganda laakiin marka aad waxaa isku soo dardarto ciidamo Soomaali ah in la dhiso waxay u taallaa dowladda Soomaalida iyo dadka Soomaaliya iyo sidoo  kale saaxiibadeena haddii ay ahaan lahaayeen carabta, Yurub iyo Maraykanka, IGAD iyo Afrika wax laguu dhisay wuu kaa dumayaa waa inaad adigu dhisato”

Ugu dambeyn wasiirka ayaan su’aalnay in shirka 10-ka bishan madaxda IGAD uga furmi doona magaalada Muqdisho yahay mid loo soo gartay in magaalada lagu qabto ama in ay dowladda dalbatay.

“Ma jirto wareegto oo waddan soo marta, badi waxaa lagu qabtaa wadanka Jabuuti oo IGAD ku taallo iyo wadanka Itoobiya oo AU ku taallo, annaguna waan weydiisannay, iyaguna wey nala garteen in loo baahan yahay in shirkaan lagu qabto Soomaaliya” ayuu hadalkiisa kusoo gebogabeeyay wasiir C/salaan Hadliye Cumar.

Wareysi Qaade: C/fitaax Xasan Axmed (Kalgacal)

W/Q: Maxamed Abuukar Kulmiye

Goobjoog News