U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye Oo Ka Hadlay Ogaanta Dowladda Ee Dadkii Doonida La Qallibantay

Sheeko:Dalka

Wasiirka Arrimaha dibadda ee xukuumadda Soomaaliya Cabdisalaan Cumar Hadliye ayaa ka hadlay dhacdadii dhawaan ay ku dhinteen Tahriibayaal badan oo Soomaaliyeed kadib markii ay la degtay doonidii ay saarnaayeen.

Wasiirka oo la hadlay VOA ayaa sheegay in ay wadaan baaritaanno ku aadan tirada rasmiga ah muwaadiniinta Soomaaliyeed ee ku geeriyaatay baddaasi, waxaase uu sheegay in xiriir uu la sameeyay safaaradaha Soomaaliyeed ee dalalka Masar, Gariig iyo Talyaaniga.

“Waxaan ognahay in dad Soomaaliyeed in ay meesha ku xasuuqmeen oo tiradoodu badan tahay, waxaan la hadlay safaaradeenna Soomaaliyeed ee joogta Qahira, waxaan la hadalnay tan Talyaaniga, weli tirada ma cadda laakiin waxaa aad loo ogyahay in mashaqo xoog leh ay meeshaasi ka dhacday oo dadka meeshaasi ku halligmay ay dad Soomaali ah oo badani ku jiraan”

“Dhammaantood wey xaqiijiyeen inay jirto arrintani, waxaan la ogeyn un tirada sidey tahay iyo wadamada ay ka kala yimaadeen, waxaana shakigani uu ka jiraa qolo walbo waxay leedahay biyaheena kama dhicin ee qolada kale biyahooda ayeey ka dhaceen, marka saacad kadib waan wada hadli karnaa oo waana heli karnaa warbixinno cusub”

“Annagu waxaan la xiriirnay safaaradaha yaga, weli warbay raadinaayaan, laakiin kaliya waa in meesha ay mashaqo ka dhacday, doonidaanna ay dad Soomaali ah badan ay ku jireen” ayuu yiri wasiirka.

Sidoo kale wasiir Hadliye oo ka hadlayey sida ka dowlad ahaan ay arrintaasi uga damqadeen ayaa yiri “Madaxweynuhu waad aragtay Tacsi ayuu qoray, dadka Soomaalida ee ku dhintay, dhimashadu ma kala duwana, hadii ay 2 ama 20 qof tahay, dadkii ay dadku ka haligmeen iyo dadka Soomalida ah in tacsi loo diro waa wax waajib ah oo muhiim ah Islaam-nimadana ku jirto wixii kale oo faah faahin ah ee ku saabsanna waa inaan isku soo noqonno, weli ma hayno Lambar culus mana rabo inaan sheego Lambar ama tiro aan haynin laakiinse waxaa la is leeyahay dad badan baa dhintay”

Ugu dambeyn wasiir Hadliye ayaa sheegay in waxa kaliya ee lagu hakin karo Tahriibka ay tahay in dalka ay ka dhalato nabad waarta, sidoo kalena shaqo abuur loo sameeyo dhallinyarada Soomaaliyeed.

Doon ay la socdeen 500 oo tahriibayaal ah una badan Soomaali ayaa ku degtay badda u dhaxeysa Masar iyo Talyaaniga, waxaana la badbaadiyey oo kaliya 23 qof.

Goobjoog News