U bood dhigaalka

Wasiir Hadliye Oo Ka Warbixiyey Kulankii Uu Nairobi Kula Yeeshay John Kerry

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya C/salaan Hadliye Cumar ayaa ka warbixiyey kulan uu shalay magaalada Nairobi ee dalka Kenya kula yeeshay xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka John Kerry.

Wasiir Hadliye oo la hadlay BBC wuxuu sheegay in arrimo badan oo quseeya doorashooyinka iyo amniga ay kala hadleen Mr Kerry.

“Waxaan ka wada hadalnay sidii nabadgalyada Soomaaaliya ka jirta ,horumarka la sameeyay Soomaaliya iyo sida loola dagaallamayo argagaxisa horay loogu wadi lahaa”

“Waxaan ku baaqnay in la wada hadlo in arrimaha Soomaaliya lagu dhameeyo Soomaaliya gudaheed iyo kuwa aan dooneyn in la wad hadlo oo ka talinaya argagaxisada iyo dhibaatada dadka Soomaalid in la iska celiyo, la sameeyo wixii la sameyn karo, aad ayuuna usoo dhowooyey waan ku faraxsannahay Soomaaliya wey soo noqoneysaa iyadoo nabad ah, qofkii doonaya inuu ka qeybgalo Soomaaliya soo noqoshadeeda iyo horumarkeeda waa lasoo dhoweynayaa” ayuu yiri Wasii Hadliye.

Sidoo kale wasiirka arrimaha dibadda Soomaaliya ayaa sheegay in xoghaye Kerry ay ka wada hadleen arrinta ku aadan doorashada la filayo in dhowaan dalka ay ka qabsoonto.

“Doorashada waxaan ka wada hadalnay in waqtigii ay ku heeshiiyeen madaxda Soomaalida ee gobollada ka yimid iyo dowladda dhexe ee Federaalka inay u dhacdo sidii loogu talogalay, dowladda Maraykanka iyo wasiirka Arrimaha dibaddaba aad ayeey usoo dhoweeyeen, noo  guubaabinayaan, aad bay u raabaaan inay wax nagula qabtaan” ayuu hadalkiisa kusoo gabagabeeyay wasiir Hadliye.

Xoghayaha arrimaha dibadda dalka Maraykanka John Kerry ayaa safar ku maraya qaar ka mid ah dalalka Africa.

Goobjoog News