U bood dhigaalka

Wasiir Hore: Mooshinkan Waxaa Uu Niyad-jab Ku Yahay Shacabka Soomaaliyeed

Sheeko:Baarlamaanka

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi oo horay u soo noqday Wasiir iyo Xildhibaan oo la hadlay Goobjoog News ayaa ku tilmaamay mooshinka hadda la wado mid aan wanaagsaneyn niyad jabna ay ku abuuri karto shacabka Soomaaliyeed.

Wasiirkii hore ee waxbarashada  ayaa sheegay in waxyaabaha keena mooshinka ay tahay xukuumadda oo si wanaagsan u gudan weyso shaqadii loo igmaday waxa uuna yiri.

“Waxaan u arkaa mooshinka la wado sida uu arko qof walba oo wax garanayo, taas oo ah in aysan aheyn wax wanaagsan, dowladda hadda halka sano jirta haddii ay isku maleegaan mowshinno xil ka qaadis ah taasi oo cidba cidda kale ay tuhmeyso taas oo astaan u ah in ay jirto xukuumad wax qabad ahaan u ilicsan”.

Cabdulqaadir Cabdi Xaashi ayaa sheegay in xukuumadda ay sameyso wadatashi ay la sameyneyso bulshada Soomaaliyeed isaga oo xusay dhanka kale in dalka aan lagu dhaqi Karin Mooshinno is barbaryaacayo iyo in dad gaar ah ay la gooni noqdaan talada dalka.

Madaxweynaha Soomaaliya Maxamed Cabdullahi Farmaajo ayuu ugu baaqay in arintan uu soo faro-geliyo taas oo ah sida uu sheegay shaqadii loo doortay oo ah in dalkaan uu ku soo dabaalo nabad iyo xasi looni siyaasadeed.

Goobjoog News