U bood dhigaalka

Wasiir Hore Oo Soo Dhoweeyey Ciidamada DFS Geysay Magaalada Baydhabo

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee wasaaradda Gaashaandhiga C/xakiin Xaaji Maxamuud Fiqi ayaa sheegay in wax dhib ah aanu ku jirin ciidamada dowladda federaalka Soomaaliya ay geysay magaalada Baydhabo.

Fiqi oo wareysi siiyey Goobjoog ayaa sheegay in ciidamadan kaliya ay ka qeybqaadan doonaan xoojinta ammaanka, islamarkaana ay caawin doonaan ciidamada kale ee sugaya ammaanka Baydhabo.

“Ammaanka magaalada markii hore ciidamo ayaa joogay oo waa ay ku filnaayeen, hadana culeys ayaa yimid oo ah doorasho, marka ciidamadan la keenay magaalada waxay xoojin doonaan ammaanka oo waxay caawinayaan ciidamadii kale ee magaalada ku sugnaa” ayuu yiri Fiqi.

Baydhabo waxaa dhowaan la geeyey ciidamo badan oo Booliis ah kuwaasi oo kaalin ka qaadanaya sugidda amniga magaaladaasi.

19-ka bishan waxaa la filayaa in Baydhabo ay ka dhacdo doorashada madaxweynaha K/galbeed oo musharraxiin badan u taagan yihiin.

Goobjoog News