U bood dhigaalka

Wasiir Hore Qorsheel “Waa La Dayacay Amniga Mas’uuliyiinta Xilalka Kasoo Qabtay Dowladihii Dalka Soo Maray”

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda duulista hawada Saciid Jaamac Qoorsheel ayaa madaxda Soomaaliya ka dalbaday in la sugo amniga mas’uuliyiinta xilalka kasoo qabtay dowladihii dalka soo maray.

Waxa uu sheegay in dowladda Federaalka aanay ka war hayn amniga Mas’uuliyiintaasi ayna dhacday marar badan in magaalada Muqdisho lagu beegsado dhowr mas’uul oo horay xilal uga soo qabtay dowladihii dalka soo maray.

“Qofka hadii uu noqdo wasiir gaashaandhig, taliye Milatari, Nabad sugid iyo wixii la mid ah waxa uu u baahan yahay ilaalintiisa gaarka ah waayo waxa uu u bareeray in uu dalka difaaco, dadkii uu ka difaacayeyna weli waa ay joogaan, marka in lasii daayo la yiraahdo suuqa iska gal waa waxyaabaha la rabo in dowladaan loo sheego madaxda loo sheego in loo sheego berri iyaguna waxa qabsan kara ma jecla iyaga in berri markii xilkaasi ka tagaan la yiraahdo iska socda” ayuu yiri Qorsheel.

15-kii bsihii hore ayeey ahayd markii qarax lagu soo xiray gaari uu watay Muxyadiin Maxamed Xaaji Ibraahim oo horay usoo noqday wasiirka gaashaandhiga uu kula qarxay magaalada Muqdisho isaga oo halkaasi ku geeriyooday.

Goobjoog News