U bood dhigaalka

Wasiir Islow: Mar Walbo Oo La Shirayo Waa In Fasax Laga Haysto Wasaaradda Amniga Iyo Gobolka Banaadir

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga gudaha ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Maxamed Abukar Islow Ducaale ayaa sheegay in cid walbo oo qabaneysa shirar laga doonayo iney warqad fasax ah kasoo qaadato wasaaraddiisa iyo gobolka Banaadir.

Islow ayaa sheegay in shacabka Soomaaliyeed guud ahaan laga doonayo iney u dhego nuglaadaan awaamiirta ay bixiyaan ciidamada ammaanka.

Sidoo kale wuxuu sheegay sidoo kale in shacabka Soomaaliyeed laga doonayo iney la shaqeeyaan ciidamada amniga.

“Shacabka Soomaaliyeed waxaan ka codsaneynaa iney la shaqeeyaan hay’adaha amniga, sidoo kale shacabka waxaan ka codsaneynaa in mar walbo hay’adaha amniga u dhego nuglaadaan ayna ku dhaqaaqaan awaamiirta ay soo gudbiyeen xeer ilaaliyaha ama shuruuicda, sidoo kale waxaan rabnaa in halkaan ka cadeynno in goobaha mar kasta lagu shiro in iyadoo fasax haysan aan la sameyn  karin, waxaan rabnaa in mar walbo oo la shirayo in fasax laga qaato wasaaradda amniga iyo maamulka gobolka Banaadir, shacabka Soomaaliyeed waxaa loogu baaqayaa iney kaalin ka qaataan amniga, nabadeynta, kana fogaadaan fal kasto oo keeni kara xasilooni darro siyaasadeed iyo mid amni, muwaadin walba waxaa waajib ku ah in danta guud uu kahormariyo danta gaarka ah” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Islow ayaa hadalkaan ka sheegay kulan ay wasaaraddiisa ku faah faahineysay xariggii siyaasi C/raxmaan C/shakuur Warsame.

Goobjoog News