U bood dhigaalka

Wasiir Islow Oo Jowhar Kaga Qeybgalaya Shir Lagu Heshiisiinayo Beello Dagaallamay

Sheeko:Dalka

Wasiirka amniga gudaha Maxamed Abukar Islow iyo wafdi ballaaran oo uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Jowhar ee xarunta Hirshabelle, halkaasi oo lagu soo dhoweeyay.

Wafdiga wasiirka waxaa Jowhar kusoo dhoweeyay madaxweyne ku xigeenka Hirshabelle Cali Cabdullaahi Xuseen Guudlaawe , xildhibaanno iyo wasiirro Hirshabelle ah iyo sidoo kale waxgaradka ku sugan magaaladaasi.

Wasiirka ayaa Jowhar wuxuu u tagay ka qeybgalka furitaanka shir dib u heshiisiineed oo maanta magaaladaasi uga furmaya Labo beel oo dhowaan ku dagaallamay degmada Cadalle ee Sh/dhexe.

Waxa uu wasiir Islow kulamo gaar gaar ah la yeeshay waxgaradka shirka loo furi doono, wuxuuna ku dhiirogeliyey iney nabadda qaataan, kana fogaadaan wax walbo oo colaad hurin kara.

Shirkan maanta ka furmaya magaalada Jowhar waxaa soo qabanqaabiyey maamulka Hirshabelle, waxaana looga golleeyahay in lagu soo afjaro colaadda Cadalle.

Goobjoog News

0033 0022 0011