U bood dhigaalka

Wasiir Janan: Kenya Wax Aan Derisnimo Ahayn Nagama Dhaxeeyaan

Sheeko:Amniga

Wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbalad Cabdirashiid Xasan Janan oo wareysi gaara siiyay Goobjoog News ayaa sheegay in dowladda Kenya aysan isga waxba kala dhaxeyn marka laga reebo derisnimda sida uu tilmaamay.

Wasiir Janan oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Kenya dowlad aan deris nahay waaye muddo dheerna aan deris ahyn inta aan noolnahayna aan sii ahaan doono, wax gaara oo dowladda kenya naga dhaxeeyo oo derisnimada ka baxsan ma jiraan, anigane dalkeeda ma joogo ee waxaan joogaa degmada Beladxaawo”

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland ayaa dowladda Soomaaliya ku eedeeyay in si sharci darro ah ay ugu xirtay magaalada muqdisho, waxa uuna xusay in madaxda ugu sareysa dalka marka laga reebo ra’isulwasaaraha ay colaad ka wadaan qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

“Guryo ku yaala xaafadda Hurwaa ayaa midba mar la igu hayay, kadib waxaa ii suurta gashay in dulmigii la igu hayay uu Alle iiga hiiliyo oo aan dib ugu soo laabto degmada Beladxaawo wax dhiba ma qabo lkn waxaa jira dhib dowladda Soomaaliyeed gaar ahaan madaxda ugu sareeya oo marka laga reebo ra’isulwasaaraha dhibaato iyo colaad ay ku soo abaabuleen deegaano nabdoon” ayuu yiri wasiir amniga Jubbaland.

Ugu dambeyn wasiir Janan ayaa ka hadlay ujeedkiisa maamulka Jubbaland wax uuna sheegay in ujeedadiisa ay tahay sidii shacabka maamulkaasi ay mar kale u heli lahaayeen xasiloonidii ay haysteen iyo nabadgalyadoodii oo uu tilmaamay in haatan gacantoodii laga bixiyay.

“Aniga ujeedadeydu wax weeyaan in shacabkan noloshii shalay ay haysteen in ay dib u helaan oo hadda gacantoodii laga bixiyay nabadgelyadoodii in ay helaaan iyo in aan badbaadiyo sharaftooda lagu xad gudbahayo” ayuu hadalkiisa ku soo gabagabeeyay Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka amniga dowlad goboleedka Soomaaliyeed ee Jubbaland.

Dowladda federaalka Soomaliya ayaa doondoonaysa wasiir Janan oo 28-kii Janaayo ka baxsaday gacanta dowladda, waxaana haatan ciidamo isaga taabacsan ay is hor fadhiyaan ciidan dowladda ay dhawaan geysay qeybo ka mid ah gobolka Gedo.

Goobjoog News