U bood dhigaalka

Wasiir Janan Oo Ka Hadlay Qaabkii Uu Kaga Soo Baxsaday Dowladda

Sheeko:Amniga

Cabdirashiid Xasan Cabdinuur Janan wasiirka Amniga maamulka Jubbaland ayaa markii ugu horeysay ka hadlay sidii uu uga baxsaday xabsigii ay ku haysay dowladda federaalka Soomaaliya oo uu ka baxsaday 28-kii Janaayo ee sanadkan 2020.

Wasiir Janan oo la hadlay BBC-da ayaa sheegay in markii uu baxsanayay uusan wax cabsiya ka qabin in laamaha amaanka dowladda ay soo qaban karaan isaga oo sheegay kaliya in uu ka cabsi qabay rag ayay dirir dhexmartay, waxa uuna dhinaca kale xusay in maalin cad uu Muqdiho doon ka soo raacay taas oo markii dambe keentay magaalada Kismaayo.

Sidoo kale wasiirka amniga Jubbaland waxa uu ka dhawaajiyay in saraakiil ka tirsan dowladda Federaalka Soomaaliya ay gacan ka geysteen in uu xabsiga ka baxsado.

Wasiirka oo arrintaasi ka hadlaya ayaa yiri “Seddex maalin iyo laba habeen ayaa Muqdisho joogay markaan baxsaday ma aanan islahayn dowladda federaalka iyo laamaheeda amniga wey ku arkayaan ama waa lagu qabandoonaa cabsi ah ma qabin, niman aan dirirnay ayay ahayd cabsida iigu weyn iyo qatarta aa qabay, waxaana ii suurta gashay in xilli maalin ah aan soo raacay doon kadibana aan Kismaayo ku imaado, dabcan haa masuuliyiin ka tirsan dowladda ayaa gacan ka geystay soo baxsashadeyda.

Dhanka kale wasiir Janan ayaa tilmaamay in uu ku suganyahay magaalada Beladxaawo ee gobalka Gedo, waxa uuna sheegay in uu haysto ciidamado ka tayo badan kuwa dowladda federaalka ay geysay magaaladaasi.

“Waxaan ku suganahay degmada Beladxaawo qeyb ka mid ah aniga iyo masuuliyiin kale, ciidamada magaalada jooga ciidan ka tayo wanaagsan kana qalab wanaagsan ayaa aniga gacanta iigu jira oo iga amar qaadanaaya oo dowlad goboleedka Jubbaland ay leedahay oo anigu aan xukumo, marka wax cabsi ah oo aan aniga qabo oo aan isleeyahay ciidan dowladda federaalka ayaa ku qabanaya malahan” ayuu hadalkiisa sii raaciyay wasiir amniga Jubbaland.

Dowladda federaalka ayaa ku raad joogta sidii ay ku soo qaban lahayd wasiirka amniga Jubbaland Cabdirashiid Janan oo 28-kii Janaanyo ka soo baxsaday waxa ayna dowladdu dalbtay waaran caalamia ah oo lagu soo xirayo wasiir Janan oo iminka ku sugan qeybo ka mid ah gobalka Gedo.

Goobjoog News