U bood dhigaalka

Wasiir Janan Oo La Horgeeyey Maxkamadda Gobolka Banaadir

Sheeko:Amniga

Maanta oo Axad ah ayaa maxkamadda Gobolka Banaadir  la horkeenay wasiirka amniga dowlad goboleedka Jubbaland, C/rashiid Xasan Cabdi Nuur (Janan), kaas oo garoonka diyaaradaha Aadan Cadde ay DFS kasoo xirtay 31-kii August ee 2019.

Maxkamadda ayaa sidoo kale waxaa maanta la geeyey Buulle Aadan Maxamed  oo isna ahaa taliyahii ciidamada ka howlgeli jiray degmada Doolow, waxaana Labadoodaba loo haystaa iney ka dambeeyeen dilka dad rayid ah.

Waa markii ugu horreysay oo Wasiir Janan la keeno maxkamaddan tan iyo markii ay dowladda federaalka kasoo xirtay Garoonka Aadan Cadde xilli uu kusii jeeday magaalada Addis Ababa ee dalka Itoobiya.

Maxkamadda gobolka Banaadir ayaa horey warqad ay usoo saartay waxay ku sheegtay in Janan aanu wax dambi ah lahayn, balse doorashadii Axmed Madoobe kadib ayeey dowladda qabatay, xilli la ogyahay in dowladda iyo Jubbaland uu ka dhaxeeyo khilaaf xooggan.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News