U bood dhigaalka

Wasiir Juxa: Farmaajo Oo Afgembiyey Villa Somalia 21 Sano Oo Dowlad-dhis Ah Kadib

Sheeko:Amniga

Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid Juxa ayaa sheegay in Madaxweyne Farmaajo af-genbi ku sameeyay Villa Somalia 21 sano oo dowlad dhis ah kadib.

Qoraal uu soo dhigay bartiisa Facebook-ga ayuu ku sheegay in wareegtadi xalay ka soo baxday xafiiska Farmaajo ay aheyd Afgambi 21 sano kadib dhacay.

Wasiir Cabdi Faarax Juxa ayaa yiri” Farmaajo Oo Afgembiyey Villa Somalia 21 Sano Oo Dowlad-dhis Ah Ka Dib”

 

“Waxaa xalay 26/12/21 saqdii dhexe Maxamed Cabdullaahi Farmajo soo saaray wareegtadii 1-aad ee Afgembiga oo uu ku laalayo heshiiskii iyo Hannaankii Doorashooyinka Soomaaliya iyo RW Rooble labadaba, taas oo ahayd waxa keli ah oo xilligan heshiis lagu yahay,” ayu hadalkiisa ku sii daray Juxa.
Wasiir Juxa ayaa sidoo kale sheegay in ay xalay istaagtay hanan dastuuri oo 21 sano la soo dhisayay kadib heshiiskii carta.
“Waxaa si buuxda u istaagay Hannaankii Dastuuriga iyo Dawlad-dhiska Soomaaliya ee ka soo bilowday CARTA 2000-2017, waxaana bilowday bog cusub oo Taariikhdu MAGAC GAAR AH u bixin doonto,” ayuu yiri wasiir Cabdi Faarax Juxa,” ayuu yiri Juxa.
Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha dowladda Federaalka Soomaaliya Juxa ayaa sidoo kale sheegay in waxa keliya ee soo haray uu yahay Farmaajo oo sanad ka hor xilkiisi dhamaaday.
“Maanta waxaa keli ah oo jira FARMAJO oo muddo-xileedkiisu dhamaaday sannad kahor oo VILLA SOMALIA dhex fadhiya iyo Dawlad-goboleedyo badankoodu kala aragti ah, VILLA Somaliyana aysan saamayn ku lahayn,” ayuu yiri Juxa.
Juxa ayaa ugu dambeyn ku tilmaamay in warka ka soo baxay Farmaajo uu yahay afgambigi labaad ee dalka uu galo kadib xornimadii 1960-kii.
“Kani waa Afgembigii 2-aad ee taariikhda siyaasadda Somalia, kii horena weli lagama soo kaban boogihii iyo haarihii ka dhashay,” ayuu yiri Juxa.
Hadalka ka soo yeeray Wasiirkii hore ee Arrimaha gudaha Soomaaliya Cabdi Faarax Siciid ayaa ku soo aday xilli dalka uu galay xaalad hubanti la’aan ah.
Goobjoog News