U bood dhigaalka

Wasiir Juxa Oo Cadaado Kula Kulmaya Mas’uuliyiinta Galmudug

Sheeko:Dalka

Wasiirka arrimaha gudaha xukuumadda Soomaaliya Cabdi Faarax Juxa , oo shalay gaaray degmada Cadaado ee gobolka Galgaduud, ayaa halkaasi waxa uu kulamo kula leeyahay madaxda maamulka Galmudug.

Wasiirka ayaa sheegay inta uu ku sugan yahay Cadaado inuu la kulmi doono hoggaanka Galmudug, xildhibaannada maamulkaasi, waxgaradka iyo qeybaha kala duwan ee bulshada.

“Safarekeenna waxa weeye inaan wadatashi iyo iswareysi, kala xog qaadasho ayuu ku saabsan yahay, bulshada qeybaheeda kala duwan ayaan la kulmi donna, waana ku faraxsannahay safarkeennaan, waxaana la nimid Cadaado niyad wanaag” ayuu yiri wasiirka.

Wasiir Juxa ayaa maanta oo Sabti ah la  kulmaya qaar kamid ah xildhibaannada Galmudug iyo sidoo kale qeybaha kala duwan ee Bulshada.

Waxyaabaha ay ka wada hadli doonaan waxaa kamid ah arrimo ku saabsan doorashada 10-ka bishan lagu wado iney ka dhacdo degmada Cadaado taasi oo lagu dooran doono madaxweynaha maamulka Galmudug.

Goobjoog News