U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Dowladda Federaalka Oo Sheegay Inuu Ka Badbaay Qarax Bam Oo Lagu Weeraray

Sheeko:Dalka

Wasiirka Dhallinyarada iyo Ciyaaraha ee xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xasan Nuux ayaa sheegay in uu ka badbaaday qarax Bam oo habeenkii xalay ahaa lagu weeraray xilli uu ku sugnaa wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho.

Waxa uu sheegay wasiirka oo la hadlay VOA in Bamka lagu soo tuuray xilli uu doonayey inuu ka adeegto carwo ku taalla wadada Makka Al-mukarrama ee magaalada Muqdisho, islamarkaana uu isaga bad qabo.

Waxa uu tilmaamay wasiirka in dhaawac uu qaraxaasi kasoo gaaray mid ah dadkii la socday.

“Carwo ayaa doonayey in waxyar aaan kasoo iibsado,markii aan gaariga kasoo degay qarax ayaa ku dhacay, qaraxa markaan eegnay waxa uu u ekaa wax lasoo tuuray” ayuu yiri wasiirka.

Qaraxaasi kadib waxaa goobta gaaray ciidamada dowladda Federaalka Soomaaaliya oo gacanta kusoo dhigay 10 qof oo Afar ka mid ah dumar yihiin kuwaa oo ka dhawaa halka qaraxa uu ka dhacay, islamarkaana waxaa socda howlgallo baaritaan ah.

Taliska ciidanka Booliiska saldhigga Waabari oo howlgalkaan sameeyay weli wax war ah kama aanay soo saarin dadkaan ay gacanta ku dhigeen.

Goobjoog News