U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug: Madaxda Ahlu-sunna Wey Isku Soo Sharixi Karaan Xilka Madaxweynaha

Sheeko:Dalka

Wasiirka dastuurka iyo dib u heshiinta maamulka Galmudug, Cismaan Maxamed Socdaal oo warbaahinta kula hadlay magaalada Cadaado ayaa sheegay in maamulkooda u madax bannaan yahay doorasho madaxweyne uu yeesho maamulku iyo xallinta dhacdooyinka kale ee gudaha Galmudug.

Waxa uu tilmaamay wasiir socdaal iney soo dhoweynayaan talo walbo oo toosineysa Galmudug, balse aysan aqbali doonin farogelinta arrimaha masiiriga ah waa sida uu hadalka u dhigaye.

Wasiirka ayaa sidoo kale waxa uu ka hadlay arrinta Ahlu-usnna, isaga oo sheegay in dhankooda diyaar u yihiin tallaab walbo oo la isugu soo dhoweynayo bulshada Galmudug, wuxuuna tilmaamay in madaxda Ahlu-sunna ay isku soo sharaci karaan xilka madaxweynaha Galmudug, ayna soo dhoweynayaan, isaga oo dhanka kale ugu baaqay xubnaha aqalka sare ee dowladda Soomaaliya ku matala Galmudug iney ilaaliyaan jiritaanka maamulka laga soo doortay.

“Waxaan leeyahay yaan lagu degdegin arrimaha masiiriga ah ee Galmudug, wixii ku saabsan gacan siin waan soo dhoweyneynaa, waan soo dhoweyneynaa dowladda Federaalka, waan soo dhoweyneynaa talooyinkooda laakiin waa ineysan kahor imaanin talooyinkaasi Dastuurka Galmudug, waxaan aad iyo aad mar kale aan rabaa inaan baaq usoo jeediyo xubnaha Aqalka sare ee Galmudug wakiilka u ah intaba waxaan usoo jeedineynaa iney ilaaliyaa jiritaanka Galmudug iyo difaaciddeeda, cidna aysan ka aqbalin in Galmudug la dhibaateeyo, waxaa la ogol yahay in Ahlu-sunna madaxdooda isku soo sharaxaan madaxweynaha Galmudug, laakiinse waxa la diiddan yahay waa wax walba eber halaga bilaabo” ayuu yiri wasiirka Dastuurka iyo dib u heshiisnta maamulka Galmudug.

Xildhibaannada baarlamaanka maamulka Galmudug ayaa 10-ka bishan waxa uu magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud ku dooran doonaa madaxweynaha cusub ee maamulkaasi.

Goobjoog News