U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Galmudug Oo Iscasilay

Sheeko:Dalka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Diinta Iyo Awqaafta Galmudug Cawil Cabdullaahi Jaamac Ayaa Iscasilay

Wasiir ku xigeenka oo saxaafadda hadal kooban sheegay ayaa ka hadlay sababta keentay inuu iska casilo xilkii uu ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug.

Cawil Cabdullaahi Jaamac ayaa sheegay inuu ku wargalinayo dhammaan dadkii uu ku metalayay xilkaasi inuu isaga tegay.

“Waxaan u sheegayaa dhammaan Soomaalida iyo intii aan xilkaan u hayay ee aan u dhaartay dhammaan reer Galmudug inaan ka tegay xilkii aan ka hayay wasaaradda diinta iyo awqaafta Galmudug waxaana xilka uga tagay inaysan qabsoomin ballanqaadkii aan umadda u sheegnay oo madaxweynaha nagu hoggaaminayay ee ahaa in la helo dib u heshiisiin, horumar iyo Amni intiina waa la waayay waxaana dowladdiina dhan ay noqotay wax aan shaqeynin oo xafiis leh” ayuu yiri Cawil Cabdullaahi.

Wuxuu ku eedeeyay madaxda maamulka Galmudug in shaqadii dowladnimada ay ka dhigeen wax ay ku adeegtaan shaqsiyaad gaar ah.

Bishii la soo dhaafay ee Octobaree sanadkani 2016-ka ayay ahayd markii wasiirro ka tirsan isla maamulkaasi Galmudug ay iscasileen kuwaasoo ka kala tirsanaa labo wasaaradood oo aan ku jirin wasiirka maanta iscasilay wasaaraddiisa.

Goobjoog News