U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Hirshabeelle oo Caawa Lagu Dilay Jowhar

Sheeko:Amniga

Kooxo hubeysan ayaa caawa gudaha magaalada Jowhar ku toogtay wasiirkii Beeraha maamulka Hirshabeelle Cabdiqaadir Faarax Axmed(Karaani).

Dilka ayaa si gaar ah uga dhacay xaafadda Hanti-wadaag, xildhibaanka ayaana la toogtay xili uu ku sugnaa meel aan ka fogeyn hoygiisa oo ku yalla xaafadaas.

Kooxihii dilka geystay ayaa goobta iskaga baxsaday, ciidamada ammaanka oo goobta soo gaaray ayaa sameeyey baaritaan lagu baadi goobayey qolyihii dilka geystay.

Goobjoog News