U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Hirshabeelle oo Geeriyooday Halka Madaxweyne Waare uu Ka Tacsiyeeyey

Sheeko:Amniga

Allah u naxariisto waxaa maanta magaalada Jowhar ee dowlad goboleedka Hirshabeelle ku geeriyooday wasiirkii dhaqan cellinta Maleeshiyaadka maamulkaasi.

Allah u naxariistee  Axmed Cumar Gaaboow ayaa ahaa wasiir iyo xildhibaan ka tirsan maamulka Hirshabeelle waxaana uu u geeriyooday xanuun maal mihii la soo dhaafay uu la jiifay wasiirka.

Masuuliyiinta dowlad goboleedka  Hir-shabeelle ayaa xaqiiqiyey geerida maanta ku timid wasiirkii Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeyishaadka Hirshabeelle.

Madaxweynaha dowlad goboleedka Hirshabelle Dr Maxamed Cabdi Waare ayaa ka tacsiyeeyey geerida ku timid wasiirka isaga oo tacsi u diraydhammaan   maamulka golayaasha iyo   qoyskii  uu ka geeriyooday Allaha u naxariistee wasiirkii  Hub ka dhigista iyo dhaqan celinta Maleeshiyaadka Marxuum Axmed Cumar Gaaboow.

Qoraal la soo dhigay bogga Madaxtooyada Hirshabeelle ayaa madaxweyne isaga  ku hadlayay Afka golayaasha maamulkaasi , iyo Shacbiga ku dhaqan dowlad goboleedka Hirshabelle ayuu marxuumka Allah uga baryey inuu naxariistii janno uu ka waraabiyo, qoyskii iyo eheladii uu ka geeriyoodayna samir iyo iimaan  Illaahey ka siiyo.

“Innaa Lillaahi wa inaa Ileyhi Raajicuun Aad baan ugu naxay marka aan maqlay geerida Wasiir Xildhibaan Sh Libbi waxa uu ahaa shaqsi karti iyo Wadaniyd ku sifoobay wax badan ka soo maray dhismaha Dowladda Hirshabelle. ayuu yiri Madaxweyne Maxamed Cabdi Waare.
Goobjoog News