U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Ismaaciil Maxamed Warsame oo ahaa wasiirkii cadaaladda maamulka Puntland ayaa maanta ku dhawaaqay in gabi ahaanba uu iska casilay xilkaasi uu haayay, isaga oo qodobo u sababeeyay.

Mudanaha oo maanta saxaafadda kula hadlay magaalada Garoowe ee xarunta gobalka Nugaal ayaa waxa uu is casilaadiisaan ku sheegay in ay ka dambeysay ka dib markii madaxweyne Gaas iyo ku xigeenkiisa ay isku maan dhaafeen isaga in xilka laga qaado, sidaa darteedna uuba fududeeyay waa sida uu hadalka u dhigaye.

“Ma ahan in Madaxweynaha Puntland iyo ku xigeenkiisa ay arinteyda isku qabsadaan, waana uga mahad celinayaa, waxaan go’aan saday in shaqsi ahaan aan fududeeyo” ayuu yiri Ismaaciil.

Dhinaca kale waxa uu sheegay in xilkaasi uu hayay muddo 16-bil ah, islamarkaana 8-bil oo ka mid ah bilahaasi aanu qaadan wax mushaar ah, ayna la qabaan shaqaalaha kale ee maamulka.

“Waxaan shaqeynayay 16-bil oo 8-ka mid ah mushaar la’aan aynu ahayn, waxaan kaloo cadeynayaa in shaqaalaha ay si bilaash ah u shaqeynayeen, tan kale in aan is casilo waxaa sabab u ah is qabqabsiga xilligaan jira”

Ismaaciil Maxamed Warsame ayaa dhanka kale tilmaamay in isaga iyo madaxweynaha Puntland Cabdiweli Gaas aysan wax wada shaqeyn ah dhex marin muddo aad u badan, taasina ay ka dambeysay markii cabaqado jira uu horgeeyay baarlamaanka maamulkaasi waa sida uu hadalka u dhigaye.

Goobjoog News