U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Ka Deyriyey Xaaladda Caafimaad Ee Dadka Ku Sugan Magaalada Taleex Ee Sool

Sheeko:Caafimaadka

Wasiirka Wasaarada Haweenka Maamulka Puntland Anisa Cabdilqaadir Muumin  ayaa sheegtay in baahi badan oo xaga caafimaadka ah in ay ka jirto  Magaalada Taleex ee gobolka Sool.

Wasiir Anisa oo wareysi siisay Goobjoog News iyada oo ku sugan degmada Taleex ayaa sheegtay in halkaasi ay ku tageen kormeer si ay u ogaadaan baahiyaha ka jira Taleex.

Waxyaabaha hadda ugu daran ayeey sheegtay inay tahay dhanka caafimaadka oo dadku u baahan yihiin Isbitaallo casri ah.

Xarun gaar ah oo wasaaradeedu ku shaqeyn doonto ayeey sheegtay in ay halkaasi kasoo dhegax dhigtay si looga shaqeeyo horumarinta Haweenka iyo carruuta degmada Taleex.

“Waxyaabaha hadda ka jira Taleex waxaa ka mid ah in la horumariyo dhanka caafimaadka oo hadda ah meesha ugu daran, waxaan annaga ka wasaarad ahaan ku dadaaleynaa in arrinkaasi aan ka qeylo qaadno, maadaama dadka ugu daran ay yihiin Haweenkii iyo carruurta” Wasiir Anisa ayaa sidaasi u sheegtay Goobjoog News

Magaalada Taleex ee gobolka Sool ayaa ah magaallo taariikhi ah, waxaana magaaladaasi ku nool dad badan, kuwaasi oo hadda u baahan inay helaan adeegyada kagama maarmaanka ah sida Caafimaadka, Waxbarashada iyo kuwo kale oo muhiim ah.

Goobjoog News