U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Ku Dhaawacmay Shil Gaari

Sheeko:Caafimaadka

Wararka ka imaanaya magaalada Garoowe ee gobolka Nugaal ayaa waxay shegayaan in duleedka magaaladaasi uu ka dhacay shil gaari oo sababay dhaawac soo gaaray wasiir ka tirsan Puntland iyo dad kale.

Gaariga shilka galay ayaa marayey duleedka magaalada Garoowe, gaar ahaan meel ku dhow xerada 22-aad ee ciidamada Daraawiishta Puntland, waxaana la socday wasiir kuxigeenka wasaaradda Cadaaladda Puntland, C/fitaax Xasan Waloore iyo masโ€™uuliyiin kale.

Wasiir kuxigeenka iyo Labo qof kale oo la socotay ayaa ku dhaawacmay shilkan, iyadoo wararka qaarna ay sheegayaan in gaarigu uu kasoo rogmaday buundo yar oo halkaasi ku taallay.

Saraakiisha caafimaadka ee Garoowe ayaa sheegaya in xaaladda wasiirka ay tahay mid yara wanaagsan, mana jirto faahfaahin intaan ka badan oo la helay.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale

Goobjoog News