U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsan Puntland Oo Lagu Dhaawacay Boosaaso

Sheeko:Dalka

Rag hubeysan ayaa waxay ku dhaawaceen magaalada Boosaaso ee xarunta gobolka Bari, wasiiru dowlihii wasaaradda dekadaha Puntland Axmed Saciid.

Raggan ayaa la sheegay iney jidka u galeen gaari uu la socday wasiir Saciid, waxaana ay ku fureen rasaas sababtay inuu wasiirka dhaawacmo.

Wasiir Axmed Saciid ayaa hadda lagu daweynayaa mid kamid ah isbitaalada ku yaalla magaalada Boosaaso.

Dhanka kale, saraakiisha ammaanka Boosaaso ayaa sheegaya iney gacanta ku hayaan raggii dhaawacay wasiirka, balse ma jirto faah faahin intaan ka dheer oo ay bixiyeen.

Warkaan wixii kusoo kordha kala soco wararkeena kale Insha Allah.

Goobjoog News