U bood dhigaalka

Wasiir ka Tirsan Somaliland ” Waxbarashadii Gacansi Baan Ka Dhignay”

Sheeko:Dalka

Wasiirka wasaaradda waxbarashada iyo tacliinta sare ee Somaliland Cabdillaahi Ibraahim habbane, ayaa walaac ka muujiyey tayo xumada waxbarashada Somaliland, isagoo xusay in waxbarashii maamulku noqday mid ganacsi ah oo sidii dukaan oo kale loo iibinayo.

Wasiir Cabdillaahi Dheere oo ka hadlayey madal lagu furayey jaamacad cusub ayaa waxa uu sheegay in qiimihii waxbarashada ay meesha ka saareen jaamacado iyo dugsiyo gaar loo leeyahay oo qasdigoodu yahay  sidii tirada ardayda oo kaliya u kasban lahaayeen, isla markaana aan tayo-ba aan la tixgelineyn.

Wasiir  Habbane ayaa  ku sababeeyey in tayo xumada waxbarashada ay qeyb ka tahay  manhajka waxabrashada Somaliland lagu qaataa oo kala duwan, arrintaas oo kaalinta koowaad kaga jiro tayo xumo waxbarashada ku timi, waxaanuu yiri; “Waxbarashada bililiqaa ka dhacday, ra’yiga haddii lagaa bililiqaystana way adag tahay bani’aadamka sida loo dhisaa, dalkana 49-manjah baa ka socda, jaamacadahana waxa looga baahan yahay iney xilka jaamacadda ay qaadayaan ay ka soo baxaan”.

Goobta wasiirku ka hadlaayey oo ay fadhiyeen bahda waxbarashada Soomaaliland siyaabo kala duwan ugu lug leh, ayaa waxa uu xusay in warbaahinta gaar ahaan TV-yadu ay baahiyaan waxbarasho qaab xayeysiis ah loo  baahinayo xarumo ay jaamacado u badan yihiin, kuwaasi oo ay ku dagmaan dadka madaama ayna is waafaqsanayn waxa loo sheegayo dadka iyo xaqiiqda dhabta ah ee taalla goobahaasi; “Waxbarashadii ganacsi baynu ka dhignay oo dukaamo yar yar bay noqotay oo  iyo xayeysiis, ayuu yiri wasiirku. Wasiirka warfaafintana waxan ka codsanayaa inaan telefishanka qaranka xayeysiis waxbarasho ku saabsan laga samaynin, waayo xayeysiiskani waa dhalanteed dumarka iyo carruurta lagu khaldayo”.

Waxa uu intaa sii raaciyay; “Annagu waxbarashada dawladda ma xayeysiinno’e meelahaas kale haka xayeysiistaan, warkuna waa la gucleynayaa oo aroorta ina gaadhsii halkii xalay la xayeysiinayey weeyey.”

Waxa uu dhaliilay tayada ardayda kasoo baxaysa jaamacadaha ku yaalla Somaliland, kuwaas oo uu sheegay inaanay xataa qoran karin codsiyo shaqo doonimo oo fiican; “Runtaan idiin sheegayaaye inanka jaamacadaheenna ka soo baxaa Arji Ingiriisi ah, mid Soomaali ah iyo mid Carabi ah toona ma qoran karo, waxbarashadeennu halkaasay maraysaa.” Ayuu yiri wasiir Cabdilaahi Dheere.

Somaliland waxa waqtigan ka shaqeeya 26 jaamacadood oo inta badani ay yihiin kuwo gaar loo leeyahay  waxayna sannadkan oo kaliya ka qallin jebiyey jaamacadaha isku dar illaa 11,000 oo arday ,  waxaana tirakoobyada qaar ay sheegaan in 90% wax ka badani la soo gudboonaato shaqo la’aan, iyadoo aaney jirin barnaamijyo ballaaran oo dhalintaa faraha badan lagu dhiirigelinayo shaqo abuurna loogu sameynayo.

Goobjoog News