U bood dhigaalka

Wasiir Hore Oo Ka Digay Mooshinka Laga Keenay Madaxweyne Xasan

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee waxbarashada dowladdii KMG ahayd Cali Cabdulaahi Cosoble ayaa sheegay in uu dalka dib u dhac u keenayo Mooshinka ay Xildhibaanadu ka gidbiyeen Madaxweynaha Dowladda Federaalka Xasan Sheekh Maxamuud, isaga oo ka digay sii socoshada Mooshinkaasi.

Cosoble oo u waramay Goobjoog News ayaa sheegay in mooshinkaan uu yahay mid keeni karo qalalaasyo siyaasadeed, dibna u dhigaya horumar walba oo la doonayo in la hiigsado.

Waxa uu tilmaamay in mooshinkaan caqabadda ugu horeysa ee uu keenayo ay tahay maamulka loo sameynayo gobalada Hiiraan iyo Shabellaha Dhexe iyo sidoo kale wax walba oo dowladda hadda doonaysa in ay sameyso.

“Mooshinkaan waxaan u aragnaa mid caqabad ku ah horumarka Soomaaliya iyo sameynta dowlad gobaleedyada, dowladii ka shaqeyn lahayd arimahaan hadii lagu mashquuliyo howl kale wey iska cadahay in waxba aysan socon doonin, waa arrin dhibaato ah, caqabadna ku ah howlihii dalkaan u qabsoomi lahaa” ayuu yiri Wasiir Hore Cosoble.

Ugu dambeyn wasiirkii hore ee Waxbarashada dowladdii KMG ahayd Cali Cabdullaahi Cosoble ayaa ugu baaqay xildhibaanada baarlamaanka Soomaaliya in ay eegaan meesha ay Soomaaliya u socoto, islamarkaana ka fikiraan danaha shacabka Soomaaliyeed.

Goobjoog News