U bood dhigaalka

Wasiir Ka Tirsanaa Maamulka Puntland oo Coronavirus u Geeriyooday

Sheeko:Dalka

Allaha u naxariistee waxaa magaalada Muqdisho caabuqa Coronavirus ugu geeriyooday wasiirkii Deegaanka iyo Beeraha Puntland  Ismaaciil Diiriye Gama’diid waxaana geeriddiisa ka tacsiyadeeyay masuuliyiinta ugu sareysa ee maamulkaasi.

Wasiirka ayaa dhowaan la keenay magaalada Muqdisho isaga oo xaalad caafimaad darted uga yimid magaalada Garowe waxaana la sheegay in baaritaan lagu sameeyay laga helay fayraska Coronavirus oo uu maanta u geeriyooday ugu dambeyn.

Madaxweynha dowlad goboleedka Puntland ayaa ka tacsiyadeeyay geerida wasiirka waxa uuna dhamaan ehelkii iyo asxaabtii uu ka baxay u rajeeyay samir isaga oo marxuumka Alla uga baryay inuu jannaddiisa ka waraabiyo.

Halkan ka akhriso tacsida uu diray madaxweyne Deni

Innaa Lillaahi Wa Innaa Illeyhi Raajicuun.

Madaxweynaha Dowladda Puntland Mudane Siciid Cabdullaahi Deni oo ku hadlaya magaca Dowladda iyo kan Shacabka Puntland, waxa uu ka tacsiyaynayaa Geerida Wasiirkii Deegaanka, Beeraha iyo Isbedelka Cimilada Puntland Ismaaciil Diiriye Gama’diid oo goordhoweyd caabuqa covid-19 ugu geeriyooday Muqdisho.

Alle ha u naxariistee Wasiir Gama’diid wuxuu ka mid ahaa aqoonyahanada Puntland, hadana ka mid ahaa xubnaha Golaha Wasiirada oo runtii shaqo wanaagsan u hayey dalka iyo dadka.

Madaxweyne Deni waxa uu tiiraanyada Geeridaasi la qaybsanayaa Goleyaasha Dowladda gaar ahaan golaha xukuumadda, shacabka Puntland,eheladii, qaraabadii, qoysaskii iyo awlaaddii uu ka baxay marxuum Wasiir Ismaaciil Diiriye Gama’diid, waxaana uu Alle uga baryayaa inuu dembigiisa dhaafo samir iyo iimaanna kasiiyo shacabka Soomaaliyeed, gaar ahaan kuwa Puntland, ehelkiisii iyo qaraabadiisiiba.

Goobjoog News