U bood dhigaalka

Wasiir ka Tirsanaa Somaliland oo Sheegay Inuu Xilkiisa Ku Waayay Qancinta Beelo Gaar ah

Sheeko:Dalka

Wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland Cali Warancade ayaa ka hadlay sababtii xilka qaadistiisu iney ahayd  mid lagu raalli gelinayo beelaha daafaha Somaliland oo cabasho dhanka saam- qeybisga dowladnimo muddo dheer tabanayay.

Wasiirka oo hadalkan ka jeediyay munaasabad uu xilka ugu wareejinayay wasiirka cusub ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland ee Faratoon, ayaa ugu horreyn ka hadlay waxqabadkii wasaaradda arrimaha gudaha mudadii uu xilka hayay:

“Waxaan wareejinayaa dal ka badbaaday qaraxyada asqeeyay geeska Afrika, waxaan wareejinayaa dal ka badbaaday baaruudda qadhmuun ee jahwareerisay geeska Afrika iyo dunida badankeeda, waxaan wareejinayaa wasaarad u qaabilsan dalka Nabadgalyada, waxaan u mahadcelinayaa Madaxweyne Axmed Siilaanyo oo xilkan igu aaminay oo si qiimo badan igula shaqeeyay, waxaan maanta maraynaa inaan isku tanaasulno aan hal qoys oo kaliya noqonno oo aan kuraasida iskaga kacayno inagoo walaalo ah oo siman”.

Cali Warancade oo loo magacaabay safiirka Somaliland u fadhiya Itoobiya ayaa ka hadlayay sababta ka dambeysay xilka qaadistiisa:

“Waxaa baryahan dambe ka socda dhanka media dagaal culus oo fadhi ku dirir ah, Cali Warancadde  Miyaa la casilay mise waa la dalicsiiyay, halka wasiirradii qaarkood ay is weydiiyaan oo ay yiraahdaan waa buu dhoofayay tolow xaguu u dhoofay?, waxaan jeclahay inaan in yar idiinka sheego dalkani waa dal aanuu u baahannahay inaanuu is uruurnno, waa dal u baahan inaanuu cadaalad ku dhaqno, waa dal u baahan inaanu u sinnaano khayraadkiisa iyo dhibtiisaba, waxaad ogtihiin in beelaha darafyadu tabasho xagga saamiqeybisga dhanka xukunka ah iney muddo dheer wax ka tabanayeen, waxaan aad madaxweynaha ugu boggaadinayaa inuu ka fakaro sidii uu cuqdadaa uga saari lahaa meesha”.

Wasiirkii hore ee arrimaha gudaha Somaliland ayaa ka hadlay arrin ay saxaafaddu hadal haysay oo ku saabsan xilka uu qaatay oo aad loo saluugay:

“Waxaan rabaa inaan ka jawaabo hadaladii suuqa maadaama aanuu isla wada qaadannay in loo sinnaado jagooyinka sarsare ee maamulka Somaliland, walaalayaal haddii uu madaxweynuhu ii yeedhay oo uu iga talogaliyay, si aan caado horey u ahaan jirin oo ninka xilka laga qaado aan la oranjirin bal ka warran, oo uu iisheegay sababta uga golleeyahay wasaaraddan waan la qaatay, hadduu ii magacaabay wasaarad kale oo aan waxba ka yareyn waan ka cudur daartay, haddaan anigu dalbaday oo aan weydiistay madaxweynaha, dhagtana aan u saaray inaan yara nasto, oo uu iga aqbalay, waxaan bulshada weydiinayaa, hadday tallaabadu sidaa u dhacday oo aan anigu dalbaday safiirka anigoo is leh ku naso dalkan wixii aad uga qaban kareyso uga qabo, shacab yahow miyaan khaldamay? Waxaan diyaar u ahay  intaan noolahay inaan qaranka u qabto wixii aan u qaban karo”, ayuu yiri Cali Waran Cadde, wasiirkii hore ee wasaaradda arrimaha gudaha Somaliland”.

Madaxweynaha Somaliland Axmed Maxamed Siilaanyo ayaa digreeto madaxweyne oo uu ka soo saaray xarunta madaxtooyada Somaliland 14-kii August, waxa uu magacaabid, isku bedel iyo xil ka qaadisba ku sameeyay xubno ka mid ah xukuumadiisa halka wasiir Warancade uu ka mid ahaa xubnihii xilka ku waayay wareegtada.

Goobjoog News