U bood dhigaalka

Wasiir Kale Oo Ka Tirsan Xukuumadda Kheyre Oo Is Casilay

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka Wasaaradda Boostada iyo Isgaarsiinta xukuumadda Soomaaliya Ibraahim Isaaq Yarow ayaa iscasilay ka hor inta aanu isku diiwaan-gelin u tartamidda jagada guddoomiyaha golaha shacabka.

Ibraahim Isaaq Yarow waxaa uu sheegay in go’aankan uu qaatay si uu uga hoggaansamo shuruudda guddi-hoosaadka diwaan-gelinta murshaxiinta.

Murashaxa u tartamaya guddoomiyaha golaha shacabka, kana tirsan golaha wasiirrada  ayaa la faray  inuu guddiga qaban-qaabada u keenaa  caddeyn ku xusan is-casilaadda/is-casilaadeeda marka uu is-diiwaangelinayo.

Ibraahim Yarow waxaa uu tilmaamay in is casilaaddiisa uu ka aqbalay ra’iisulwasaare Xasan Cali Kheyre uuna qaatay Shahaadada Is-diiwaangelinta.

Goobjoog News