U bood dhigaalka

Wasiir Khadiijo Maxamed Diiriye Oo Sheegtay In Uu Yaalo Mooshin Ka Dhan Ah Hanti Dhowrka Iyo Xeer Ilaaliyaha Qaranka

Sheeko:Dalka

Sii hayaha Wasiirka Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuql Insaanka Xukuumada Soomaaliya Khadiijo Maxamed Diiriye ayaa shaaca ka qaaday in la gudbiyay mooshin ka dhan ah Hanti Dhawrka iyo sidoo kale Xeer Ilaaliyaha Qaranka.

Khadiijo ayaa mar ay saxaafadda kula hadlaysay magaalada Muqdisho waxay sheegtay in Xeer ilaaliyaha uu ku dhaqmay ku takri fal awoodeed, sidaa darteedna mooshin uu ka yaalo.

Mar ay ka hadlaysay xarig loo geystay agaasimaha wasaaradda Haweenka ayaay sheegtay in lagu eedeeyay Ku takri fal dhanka awooda ah, balse mooshinka laga geeyay Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti dhawrka uu yahay ku takri fal awoodeed waa sida ay hadalka u dhigtaye.

“Aniga Xeer Ilaaliyaha guud Dastuurka dalka meel uu kaga yaalo ma ogi, hadaba mooshin ayaa ka yaalo Xeer Ilaaliyaha iyo Hanti Dhowrka” ayeey tiri Khadiijo Maxamed Diiriye.

Habeen hore ayaa hoyga uu degan yahay Agaasimaha Wasaaradda Haweenka iyo Xuquuqul insaanka waxaa kala baxay ciidamo ka tirsan dowladda, isaga oola xiray taasna ay keentay in wasiiradda ay si kulul uga hadasho.

Goobjoog News