U bood dhigaalka

Wasiir Ku Xigeen Ku Dhintay Weerarkii Maanta Ka Dhacay Muqdisho

Sheeko:Amniga

Wasiir ku xigeenkii wasaaradda shaqada iyo arrimaha bulshada xukuumadda federaalka Soomaaliya, Saqar Ibraahim Cabdalla ayaa ka mid noqday dadkii ku dhintey weerarkii ay manta Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaraddan ee magaalada Muqdisho.

Weerar ku bilowday gaari laga soo buuxiyey walxaha qarxa ayeey Al-shabaab ku qaadeen xarunta wasaaraddan oo ku taalla nawaaxiga Isgoyska Jubba ee magaalada Muqdisho.

Rag hubeysan ayaa gudaha u galay qaraxa kadib xarunta wasaaradda shaqada, waxaana dadka dhintey iyo kuwa dhaawacmay ka mid ah qaar ka mid ah shaqaalaha wasaaraddan.

Saraakiisha ammaanka ayaa sheegay iney dileen 4 ruux oo ahaa raggii gudaha u galay dhismaha wasaaradda.

Goobjoog News