U bood dhigaalka

Wasiir Ku Xigeenka Wasaaradda Difaaca Oo La Kulmay Saraakiisha Ciidanka Xoogga Dalka Ee Ku Sugan Cadaado

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xigeenka wasaaradda difaaca ee xukuumadda federaalka Soomaaliya Cabdullaahi Colaad Rooble iyo wafdi uu hoggaaminayo ayaa maanta gaaray magaalada Cadaado ee gobolka Galgaduud.

Wafdigan waxaa kusoo dhoweeyay magaaladaasi saraakiisha ciidanka xoogga dalka ee ku sugan degmada Cadaado iyo sidoo kale kuwa AMISOM.

Wasiir Colaad ayaa Xerada 21-aad ee Ciidanka Xoogga Dalka wuxuu kula kulmay saraakiisha ciidamada, waxaana ulajeedka socdaalkiisan uu ku sheegay u kuurgelidda xaaladda ay ku sugan yihiin ciidamada xoogga dalka.

Wasiirka ayaa warbixin ka dhageystay saraakiisha ciidamada oo uga waramay xaaladda guud ee ciidamada qeybtood 21-aad ay kusugan yihiin.

Inta ay qaadan doonto socdaalka wasiir Colaad uu ku joogo degmada Cadaado weli lama shaacin.

Goobjoog News