U bood dhigaalka

Wasiir : Kuliyadda Booliiska Carmo waa Meelaha ay Dowladda Federaalka Ku Faanto

Sheeko:Dalka

Wasiir ku xiigeenka Maaliyadda Xukuumadda Federaalka Soomaaliya mudane Maxamud Xayir Ibraahim iyo guddoomiyaha degmada Carmo mudane Maxamed Cali Shire ayaa booqday Kuliyadda Tababarka Ciidanka Booliska, Isbitaalka guud ee degmada, iyo gooba kale oo muhiim ah,

Booqashada kadib ayaa Wasiirku waxa uu sarackiisha xerada ka dhegaystay warbixin iyo cabashooyin ay qabeen oo ay ka codsadeen wasiirku in uu ka gaaarsiyo hayadaha ay khusayso waana uu ka aqbalay.

“Kuliyadda Carmo waa mid muhiim u ah dowladda Federaalka ah waana goobaha ay ku faanto. Sida ku cad heshiisyadii ay wada galeen dowlada Federaalka iyo maamulka Puntland waxaa ku xusan in Kuliyada Tababarka Ciidanka Booliska ee degmada Carmo dib loo howl galiyo, waxaana maanta ka howlgala Muqdisho iyo qaar ka mid ah gobolada dalka Saraakiishii tababarada ku qaatay halkaan” ayuu yiri mudane Xayir

Sida oo kale wasiirka ayaa booqday cisbitaal casriga ah oo dhawaan laga hirgaliyey degmada, waxaana u warbixino ka dhagaysatay Agaasimaha Isbitaalka Dr Yusuf Farole, wuxuuna Wasiirku soo booqday
dhamaan qaybaha uu ka kooban yahay cisbitaalka, waxaana isbitaalka dhismihiisa iska kaashaday Jaaliyadda ka soo jeeda gobolka iyo dadka degmada Carmo.

Wasiirka ayaa sida oo kale waxa uu galabta la kulmay qayba ka mida ah dhalinyaradda degmada Carmo waxayna iska xog warays teen xaalada dalka iyo arigtida guud ee wasiirka. Si kastaba ha ahaatee wasiirka ayaa maalmahan sii joogi doona deegamada Puntland isagoona booqasho ku tagaya Degmada Boosaaso oo ay ka socoto qaban qaabo lagu soo dhaweynayo.

Goobjoog News

 

Carmo 2 Carmo 1