U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye “Ahlu-sunna Waxaan Leeyahay Ha Siidaayaan Wariyaasha u Xiran”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Xayir Maareeye ayaa ugu baaqay Ahlu-sunna Waljameeca in ay siidaayaan wariyayaasha ay ku xireen degmada Dhuusamareeb ee gobalka Galgaduud.

Wasiirka ayaa sheegay in wax laga xumaado ay tahay in wariyayaal badan xabsi la’iska dhigo, walibana iyaga oo waajibaadkooda gudanaya.

Waxa uu tilmaamay in aysan habooneen in lagu xadgudbo wariyayaasha, wixii qalad ay galeenna la isla ogaan doono.

“Waa Arrin Aanan haboonayn in Xadgudub loo geysto wariyaasha  wixii qaldan waa laysla ogaanayaa laakiin maaha in sida xoolo meel lagu soo xirto qof Gudanaya waajibkiisa Shaqo ee loo idmay, Ahlu-sunna waxaan leeyahay ha Siidaayaan wariyaasha” Ayuu yiri Wasiirka Warfaafinta

Ahlu-sunna Waljameeca ayaa xabsiga dhigay Lix wariye oo ka howlgalayay degmada Dhuusamareeb oo ay ku jiraan Laba Dumar ah, waxaana saraakiil u hadashay Ahlu-sunna ay sheegeen in ay wariyayaashaasi maxkamad soo taagi doonaa.

18-kii May ayaa Ahlu-sunna Waljameeca waxa ay albaabada isugu dhufatay Xarunta Radio Galgaduud ee magaalada Guriceel, iyaga oo muddo xabsiga dhigay Agaasimaha Idaacadaasi C/qaadir Guurre Barre.

Goobjoog News