U bood dhigaalka

Dowladda Soomaaliya Oo Maxkamadda Hague u gudbineysa Dacwadda Ka Dhanka Ah Dowladda Kenya

Sheeko:Dalka

Wasiirka Wasaaradda Warfaafinta iyo hanuuninta Dadweynaha Maxamed Xayir Maareeye oo saxaafadda kula hadlay xafiiskiisa Muqdisho, ayaa sheegay in dowladda ay go’aan cad ka qaadatay muran xuduudeedka Badda Soomaaliya iyo Kenya.

Waxa uu sheegay Wasiirka in dowladda ay warbixin qoto dheer ka dhageysatay Laba qareen oo dowladda kala shaqeynaya xuduud badeedka Soomaaliyeed.

Isniinta todobadka soo aadan ah ayuu sheegay Wasiirka in dowladda ay gudbin doonto warqadaha dacwadda ee ka dhanka ah Kenya.

“Waxaa Warbixin laga dhageystay Laba Looyar oo Soomaali ah kuwaa oo inoo qaabilsan dacwadda ku saabsan xuduud badeedka Soomaaliya iyo Kenya oo aad ogtihiin in marar badan oo hore la’isku dayay wada xaajood lagu dhameeyo laakiin ay suuroobi weysay, markii dambena dowladda Soomaaliyeed ay go’aamisay maadaama  Kenya ay xadgudub kusoo sameysay Badda Soomaaliya, in markii lagu qancin kari waayay xuduudoodii asalka ahaa ama sharciga qabo ay ku ekaadaan, dowladda Soomaaliya waxay gudbisay dacwad oo Huge u gudbisay, dacwadaas 13-ka July ayaan inagu gudbineynaa oo aan maxkamadda horgeyneynaa sida looyariintu noo sheegeen,  marka Kenya waxa ay xaq u leedahay muddo Sideed Bilood ah ay iyaduna soo diyaarsato jawaabteedii, markaa ka dib fadhigii ayaa bilaabanaaya, waxayna ku beegmaysaa maxkamadda March 2016” ayuu yiri Wasiir Maareeye.

Dhinaca kale wasiir maareeye ayaa dhinaca kale waxaa la su’aalay arrinta ku aadan sababta ciidamada AMISOM uga baxayaan qaar ka mid ah deegaanada dalka iyadoo aan laga war hayn, waxaana uu sheegay in dolwadda ay arintaan kala hadashay hogaanka sare ee AMISOM una sheegtay in amar la’aan aysan AMISOM ka bixi karin deegaan dalka ka mid ah.

Goobjoog News