U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye: Dhulka Wasrahadda Iyo Hargaha Saamaha Ee Dharkeenley Lama Boobi Karo

Sheeko:Dalka

Wasiirka ganacsiga ee xukuumadda federaalka Soomaaliya, Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa xarig ugu hanjabay cid kasta oo sheegata dhismaha hargaha iyo saamaha ee degmada Dharkeenley, magaalada Muqdisho.

Maareeye ayaa sheegay in dowladaha horumaray ay uga dayanayaan qaabeynta iyo horumarinta dhaqaalaha.

Waxa uu tilmaamay in adeegyada dowliga ah  oo dadweynuhu ka helaan dowladda hal meel saldhigoodu noqon doono wasaaraddiisuna ay gacan ka geysanayso.

Dhanka kale, wasiirka ganacsiga Maareeye ayaa sheegay in cid kasta oo isku dayda inay sheegato dhulka hargaha iyo saamaha ee degmada Dharkeenley ay muteysan doonto xarig.

“Waxaa boob ka socdaa warshaddii Hargaha iyo saamaha ee degmada Dharkeenley, dadka halkaas doonaya in dhulkaas si xaq darro ah ku qaataan uma socon doonto qareen baan qabsaneynaa, waan dacweyneynaa inaan wax siinno iska daaye waan xireynaa, hala isaga tago hantida dowladda dhulka ay taallo, dhulka warshadaha Soomaaliyeed ee wasaaradda warshadaha hoos yimaada lama bixin karo, cid idinma siin karto, waan ku xireynaa, dhulka warshadda hargaha iyo saamaha lama boobi karo” ayuu yiri Mareeye.

Ugu dambeyn, wasiir Maareeye ayaa ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed iney a fogaadaan guud ahaan hantida qaranka.

Goobjoog News