U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye “Dowladda Gacan Bir Ah Ayeey Ku Qabaneysaa Al-shabaab Iyo Taageerayaashooda”

Sheeko:Dalka

Wasiirka Warfaafinta xukuumadda Soomaaliya Maxamed Cabdi Xayir Maareeye ayaa sheegay in tallaab adag ay ka qaadi doonaan cid walbo oo taageero u fidisa Al-shabaab.

Waxa uu sheegay inay jiraan shirkado lacago siiya Al-shabaab, isaga oo ugu baaqay shacabka Soomaaliyeed in ay gacamaha is qabasadaan bedalkii maalin walbo ay ku dhiman lahaayeen qaraxyo iyo wixii la mid ah.

“Dowladdu gacan bir ah ayeey ku qabaneysaa kooxaha nabad diidka ah iyo taageerayaashooda” ayuu yiri wasiir Maareeye.

Wasiirka ayaa hadalkaan ka sheegay xilli maanta lacag 10 kun doolar ah ay u geeyeen isaga iyo wasiirka Xanaanada xoolaha caruur ay ka geeriyootay Hooyo Soomaaliyeed oo ku geeriyootay qaraxii SYL xilli ay nadaafad ku howlaneed.

Weerarkii Xarakada Al-shabaab ay ku qaadeen SYL waxaa ku dhintay dad badan oo shacab ah, waxaana ku jiray dadka dhintay haween ka shaqeynayey nadaafadda.

Goobjoog News