U bood dhigaalka

Wasiir Maareeye oo Ka Hadlay Warqad Dhowaan Wasaaraddiisa Ka Soo Baxday

Sheeko:Dalka

War-saxaafadeed ka soo baxay xafiiska Wasaaradda Warfaafinta Xukuumadda Soomaaliya ayaa waxaa looga hadlay warqad maalmo ka hor ka soo baxday wasaaraddaasi taasi oo lagu soo bandhigayey in Taleefishinka Qaranka uu u baahan yahay gabdho shaqaale ah oo leh muuqaal war-baahineed.

Hadalkaas ayaa si weyn u qabsaday baraha bulshada waxaana eedeymo kala duwan loo jeediyey madaxda wasaaradda warfaafinta oo uu ugu horreeyo wasiir Maareeye. Qoraalka ay maanta soo-saartay wasaaradda warfaafinta ayaa lagu sheegay in hadalladaasi ay yihiin kuwo dacaayad ah oo meel kaga dhacaya sharafta wasiirka, waxaana sidoo kale qoraalka lagu sii sheegay in warqaddaasi ay si qaldan u soo baxday islamarkaana aysanba ahayn warqad rasmi ah.

 Dhanka kale war-murtiyeedkan waxaa lagu caddeeyay in tallaabo laga qaaday shaqsigii soo daabacay warqaddaasi.

Ugu dambeyn waxaa wasiir Maareeye lagu tilmaamay in uu yahay Aabbe dhalay gabdho sidaas ay tahayna uusan wasiirku ku kadsoomayn in uu gabdhaha Soomaaliyeed aflagaaddeeyo.

Halkan ka akhriso warsaxaafadeedka.

Goobjoog News